Skip to main content

Posts

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...
Recent posts

Maalinka dhalashadayda iyo sannad guuro dib u dhalasho …….

20-kii eybral/April, maalintii la i ballaysimay sannadguuradeedii ayay ku beeganatahay. Hayeeshee, sidii ruux hilaaddii tagtay indhaha walac ka siiyay baan ammintani gu'gii koobaad ee dib-u-dhalashadayda u dabbaaldegayaa. Dabshidkii galbaday irbaddii suuxisada ahayd ee aan isaga muday wax walba; inkastoo urugo iyo uur-ku-taallo ay lahayd inaan jiraalkayga ka saaro doonistii is daba joogga ahayd ee danta guud iyo halganka wadareed waa ku guuleystay. Waan qabatimay oo is dooriyay si dhammeystiran. inaan sidaa uga doogay ama Geel wabax ah oo ka daatay xeradiisa si la mid ah timaaddada ama gu'yaal doora kaddib inay noqoto wakhtiga ayaan u deyn.  2 sanno horteed haddii aan sidani ku cataabayay: https://moadaani.blogspot.com/2024/05/april-20-2024-dhalashadayda-xus-xasuus.html  Misna kalkii hore aan isku dardaar werinayay tabtani:  https://moadaani.blogspot.com/2025/04/20-ka-abriil-sannadguuro-dhalasho-jab.html  Sannadkaani sedkiisu ii buuxsamay ku noolanshiyaha nolol qofee...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...

Qaraxii isgoyska Zoobbe

 Maalin sabti ah 14-kii Octooba 2017  14-kii bisha 10-naad ee sannadkii 2017, 8 gu' ka hor, maanta oo kale Soomaalida waxay u ahayd dharaar murugo leh, maalin mugdi ah, oo hal mar uu dhiigoodu qubtay in ka badan kun shacab Soomaliyeed oo aan waxba galabsan. Waa Xusuus ma-hadho ah iyo ammin guri kastoo qof Soomaali ahi ku noolaa dal iyo dibadba hal mar laga wada ilmeeyay, lagana dareemay baaxadda dhiibatada shacabka muqdisho ku habsatay-kaddib markii gaadhi xammuul ah oo laga soo buuxiyey sun, waxyaabaha qarxa iyo kimikooyin lagu qarxiyey wadnahii iyo  halbowlahii Xamar; isgoyska Zoobbe oo ahayd meesha ay badi maraan dadka ku nool magaalada Muqdisho. Qaraxaasi wuxuu  galaaftay Waalid denbi la'aan ah, Caruur noloshu u bilow tahay iyo Dhallinyaro nolosha Mustaqbal ka lahaa, oo qaarkood aan illaa maanta jidhkooda meel lagu sheegin.  Shacab kor u dhaafaya Kun  ruux, ayaa ilbidhiqsiyo mahlakadaasi haleeshay, tiro aad u badan ayaa daqiiqado galbaday, boqolaal qof ...

Sagootis: wadbaa ka dhigay tusbax furmay...........

Inkastoo geerida kedisada ah iyo mawtul-qafluhu sidiisa u naxdin badan yahay, waxa ka sii xanuun iyo murug badan ruux dhalinyaro ah, oo hadda uun dunida jaanta iyo jiibta la helay dhimashadiisa. Markaan halacsado ruux dhallinyaro ahoo aqoon annaan isku lahayn oo koonka ka sadcaalay dareen iyo damiir ahaanba waan u qasmaa, gubtaa, misna walbahaaraa. Marka saaxiib, rafiiq iyo qof aan isku milannay ay ku timaadana xaaladaydu waa ta aan hadda ku suganahay oo kale- waa marxalad argagax, qarracan ah iyo u qaadan waa ah.  Habeenkii koobaad ayuu u hoyanayaa gurigiisii rasmiga ahaa. Aniguna miiskii iyo labadii kuraas ee doodaha, iyo lafagurka hayaanka nololeed aanu isku weydaarsan jirnay, kuna caweyn jirnay ayaan habeenkii koobaad keli ku ahay. Kuraasta iyo miiska wareegsan laftarkoodu waa habeenkii saddexaad ee wadajirkayaga ay tabayaan. Xalay oo hoygiisa loo gelbiyay, iyo habeen hore oo hawlo na kala mashquuliyeen ayaanu soo moogganahay.  Waa duni maalinba qof qabriga loo gelbinay...

Silsiladda safarkayga: Xus iyo xasuus

 Xasuusaha tagtadu waa keydka nolosha – halkaasi oo ay ku urursan yihiin waayo-aragnimada, qalbi-jabka iyo farxaddii shalay. Dadka badankiisu ma jecla xasuusashada iyo xuska sawiraddii iyo muqaaladdii tagtadii ay iska reebeen. Se anigu waa ku faana, waxaan aamminsanahay; inay wanaagsantahay in la xasuusto oo la xuso--waayo waa jid aad soo martay iyo jaranjaro aad soo dhaaftay. In lagu noolaado ma ahaa, se waa in lala noolaado. Runtii, " Nostalgia is one of the sweetest feelings because it connects us to our past." Aan ku soo noqdo muuqaalkani xasuusta ah, micnayaasha uu bixinayo, iyo dhacdooyinka uu gudbinayee. Saddex gobol ( hoos ayaan ku xusi doonaa), iyo shan deegaan oo kala duwan rag kasoo jeeda ayuu muqaalkani kulmiyay. Kulan keliya maahee, rafiiq iyo saaxiibo farxadda, murugta, iyo qulubka wada qaybsada ayuu naga dhigay! Waxbaa na mideynayay, misna soomaalinimo ayaanu isku dugsan jirnay oo hab nololeedkii iyo dhaqankii soomaalinimo ayaanu iska urin jirnay. Sideedaba q...

Toddobaadka Soomaalida

 Waxaynu galnay toddobaad qiimo iyo xasuus qaran xambaarsan — Todobaadka Soomaalida.  26-ka June, maalinta calanka; oo ah maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay geyiga soomaalida. Dhulkii hore loo odhan jiray British-ruled Somaliland (Gobolada Waqooyi ama Somaliland)  27-ka June dharaarta calanka Soomalida Jabuuti laga taagay dhulkii loo yaqaanay  ( French-Somaliland), lana bud-dhigay Jamhuuriyadda Jabuuti. iyo 1 luulyo maalinta midowga laba ka mid ah shantii soomaaliyeed - waa midnimada labadii gobol Waaqoyi, iyo  Koonfur iyo aas-aaskii Jamhuuriyadda Soomaaliya.  Toddobaadkani oo kale waa maalmaha keliya ee xuskeeda aan weyneeyo. Inkastoo sannaddihii u danbeyay aan garwaaqaaday weedhaha aan u adeegsado inay ka duwanaadaan kuwii aan adeegsan jiray. Li ajliga faham badan oo mawduucaa, iyo taariikhdaa iiga baxay.  Ereyada aan isticmaalkooda meesha ka saaray waxa ka mid ah " XORRIYAD INAYNU KA HELNAY GUUMEYSTE,"-  adeegsigoodu wax ila habboon iina ...

Horta anigu kumaan ahay!?

 Waxaan ahay harag wixii ku jiray laga qaaday. Laakiin wali waan neefsanayaa — sabab aanan wali garan. Ma garanayo goorta ay igu bilaabmatay, mana hayo waqtiga saxda ah ee aan dareemay. Balse waxaan ogahay inaan hadda ahay hadh ka hadhay wixii aan ahaan jiray. Waxaan la noolahay daal aan jidhka keliya taaban, balse nafta qudheeda saameeyay. Waxan ahay sida gidaar hoostiisa laga saaray tiirarkii hayey, se weli waan taaganahay, si aan dadka ugu muujiyo xoog, inkasta oo dumitaan aan ku dhowahay. Dadka qaar waxay u maleynayaan in daalkaygu yahay jidhka oo seexan la’ ama hawl culus oo i haysata. Laakiin aniga daalkaygu waa mid hurdo aan wax ka tari karin — daal ruuxeed, mid nafeed, mid igu furay su’aal aan weli jawaabteeda helin oo ah: “Haddii unugyadii tamarta la iga siibay, maxaan weli ku noolahay, ee u noolahay?”  Waxaan soo maray burbur — mid nololeed, mid siyaasadeed, mid dhaqan-tiran, iyo mid dadnnimo-tiran. Waan gubtay, kala go’ay, la i kala firdheeyay. Dagaallo aan dhammaan...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Silsiladda safarkayga : Yurub ama Yaxaaska, Geeri ama Guusha nololeed. Jeelka dhexe ee Jigjiga iyo Tobanguuradii.....................

Burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya; 1980-meeyadii iyo horraantii 1990-meeyadii ayaa tahriibka sharci-darrada ah iyo qaxu si xoogleh Soomaali ugu bilaabmay, se tahriibka casriga ah ee dhalinyarada — oo ah mid ay dadku si iskood ah u tahriibaan iyagoo nolol fiican raadinaya —wuxuu xoogaystay qarnigii 21-aad, gaar ahaan 2000-meeyadii iyo 2010-meeyadii. Jidka ugu caansan wuxuu noqday midka badda Mediterranean-ka mara, iyadoo safar halis ah lagu sii marayo dhulka Saxaraha si ay u gaaraan Libya iyo kaddib Yurub. Jiilka ugu badan ee hayaamay, ama ku le'eday jidkaasina waxay noqdeen dhallinyarada aanu isku ayniga iyo kacaanka ahayn. 2014 illaa 2017 Waa Markii tahriibku qof walba oo dhallinyaro ah uu u ahaa riyada — riyo uun ma ahayne jidka keliya ee loo arkayay in nolol lagu heli karo ayay ahayd. Tahriibka wuxuu noqday wax la bogaadiyo, qofkii tahriiba, keddibna Yurub galaa wuxuu noqday qof la amaano, taasoo dhalisay cadaadis bulsho oo ku qasbay dhalinyaro badan inay raacaan waddada tahri...

Waxbarashadeenna...............

Nidaamkeenna waxbarasho waa khaldanyahay, oo qaldanaanaya inta ay yihiin iskuuladeennu/dugsiyadeennu sidaa hadda. Sida xaqiiqda ah, 12 sanno ayaynu waxbarashada dugsi hoose, dhexe iyo sare ba ku qaadannaa. Waa 12 sanno oo khasaare ku soo idlaada ama ku idlaanaya, waxa keli ah ee aynu ka barannaa na waa ogaalkeenna oo yara kobca. Tusaale; waxa la inagu soo ballaysimay: in Hydrocarbons- ku yahay isku dhis ka kooban Carbon iyo Hydrogen keliya iyo in hydrocarbon-ka laga helo gaaska debiiciga ah, dhuxusha iyo shidaalka. Webiga Nile inuu yahay ka ugu dheer adduunka iyo in dhererkiisu yahay 6,650 KM ( Lix Kun Lix Boqol Iyo Konton Kiilo Mitir). Eekeye, Afmaldah iyo gabayadii Sayidka IWM. Waxaas na muddo yar baa lagu soo koobi karey ama guriga waa lagu baran karey, wax na lagama dheefo in intaa sanad kasta la inagu soo cel-celiyo. 12-ka sanno markaynu dhameyno waxaynu nahay bilaa xirfad iyo khibrad ( No Skills And No Experience), dugsiyada la inaguma baro aragti togan, khibrad iyo xirfad qofku ...

Silsiladda safarkayga: Safar dan iyo shaqo ama dalbarasho iyo dad barasho kii aan ku jiray ba Sanaag soo arkay. Qaybtii koobaad ee Safarkii Sanaag.

Waa safar shaqo, balse aniga waxaa ii dheer inuu ii yahay safar dalbarasho iyo dad barasho. Dabcan, hore uma arag gobolka Sanaag oo idil. Dhawr jeer oo aan qorsheystay kusoo daansha-daanshoodka gobolka awoowayaasha, duruuf iyo marxalado kala geddisan, oo hadba ila soo gudboonaday ayaa ii saamixi wayey. Shanta gobol ee kale ee geyiga Soomaaliland inaan arkay, oo gobolka Sanaag soohdintiisa anan weli u tallaabin waa waxa iga yeeshay Sanaag xiise aan dhamaan inaan u hayo. Shantaa kor aan ku soo sheegay iyo deeggaanada kale ee beledka soomaal ee aan u safray gobolkanaa iska fadhiista yidhi; bil xaqiiq,  dalkeenna waxa ugu mudan Ceerigaabo; uguna muuq dheer. Cakuye! Sabab ayaan intaa oo dhan u arag? Intaasi afeef ha iga ahaatee.  Waxa safarka macda u yeelay intii aanu jidka sii jibaxaynay, baaburka/gaadhiga aanu saaranahay waxaanu ku saranahay saddex koox oo kala ah: qayb hore ugu dawaafay dalsanta dalkeenna, qayb deegaanka ah oo waddada daalisay iyo rag markii u horeysay ee Sanaag...

Dhaqaale xumo iyo xukumadda ina Biixi........

 Xaaladda dhaqaale xumo ee Laanta ka jirta iyo sixirbararka xadhkaha goostay. Halkii xukumadda Ina Biixi ay qaadi lahayd talaabooyin dhiig joojin ah, cashuur dhaaf iyo go'aamo xal u noqon kara sixirbararka jira, waxay ka doorbidday hanti uruursi, maaddama calankoodii iyo waayahoodii gabaabsi yahay, oo taliskoodii bar-dhammaadkii uu kulaalayo. Meelahay bartilmaansadeen si hanti iyo maal uga helaan waxa ka mid ah; Xaraashka dhulka danta guud. Laynka bilayska iyo goobo dhawr ah ayaa shiishku u saaranyahay Kordhinta cashuuraha shiidalka, shixnadaha dekedda berbera kasoo dega iyo makhaayadaha laga cunteeyo. Ma ogtihiin in hudheeladda cuntada, nafar bariis ah haddii laga dalbado, in lagu amray xaddi dhan 10% oo cashuur ah in lagu dallaco macaamisha iyo dalbadaha. talaabooyinkan ayaa khatar ku ah suuqa, waxana ka dhalanaya in sixirbararku cirka isku sii shareero. Jeer cidna tahli kari weydo inay wax iibsadaan.

Soomaalilaan banbo afka ka furan.........

 Markii dawladdii dhexe ee Jamhuuriyaddii Soomaliya burburtay. Dhulkii hore loogu yaqiinay Waqooyiga Soomaaliya, oo hadda loo yaqaan caanna ku ah Soomaaliland. Qabiiladda wada degaa waakuwii shir ay iskugu yimaaddeen, salka ugu dhigay Maamul iyo dawlad ay ugu wanqaleen Soomaaliland. Judhiiba boob kuraaseed iyo sad bursi ayuu tolka Isaaq sameeyay. Halgankii ay soo galeen iyo dhiig bixi ku dhacay darteed tolkii kale oo markiiba saluugay habka seeska Soomaaliland loo abqalay, beesha keli ahna awooddii lagu wada heshiiyay iskugu soo koobtay candhuuftooda ayay dib u liqeen, oo isku samirsiiyeen khaladkaa in dib laga sixi doono. Tolka Isaaq qudhooda oo wax kala tabanaya, misna aan isku calool fayoowayni 94-kii waa kuwii goondaha is daray ee isku riiqmay. Waayahaa iyo wixii ka danbeeyba sidii wax u socdeen weynu ka wada dheragsanahay oo kusii tiigaadi mayo tagtadaa.  Dabcan, banbadaa 32-da sanno ibtu u furnayd dharaar uun inay qarxayso, beelaha kalena dulqaadka iyo samirku ka dhamaa...

Qiso dhab ah || Jacaylkii koobaad ee Cugan iyo waayihii dhalinyarnimo.

Si kaftan iyo dhalinyaranimo ah ayaan noloshaada ku soo galay, habeenkii koobaad si fiican ayaan u xasuustaa. Kulankeenna waxa sabab u ahaa saxiibkay. Habeenka waxa aan u soo raacay in aan ka maaweeliyo adiga, si aadan carqalad ugu noqon isaga iyo saaxiibtaa Cosob oo haasaawe iyo xidhiidh markaa uun hano qaaday ka dhexeyay, haa keliya in aan kaa jeediyo oo kaa mashquuliyo qalbiyada isku xiisaha qaba ee aad saddexeeyaha ku noqonaysid ayaan usoo lebistay oo quraaradda cadarka ah iskugu soo jabiyay. Si fiican uma sixi karo wixii aad marba meherad ka raadinayseen markii aanu idiin nimi, balse waxa aan filayaa in habeenka adiga iyo Cosob aad usoo baxdeen adeeg/shopping dumar, si suuqa aad uga soo dukamaysataan. Fiidkii annaga oo isku diyaarinayna caweys aanu lahayn, misna markaa ka soo baxnay alaamiito kubbadeed. Saaxiibkay Axmed ayay soo wacday Cosob oo ugu bishaareysay in caawa iyada iyo saaxiibteed ay suuqa usoo baxeen. Ma xasuusataa in ay ka codsatay in ay kulmaan, si ay wakhti u wada q...