Skip to main content

Soomaalilaan banbo afka ka furan.........

 Markii dawladdii dhexe ee Jamhuuriyaddii Soomaliya burburtay. Dhulkii hore loogu yaqiinay Waqooyiga Soomaaliya, oo hadda loo yaqaan caanna ku ah Soomaaliland. Qabiiladda wada degaa waakuwii shir ay iskugu yimaaddeen, salka ugu dhigay Maamul iyo dawlad ay ugu wanqaleen Soomaaliland. Judhiiba boob kuraaseed iyo sad bursi ayuu tolka Isaaq sameeyay. Halgankii ay soo galeen iyo dhiig bixi ku dhacay darteed tolkii kale oo markiiba saluugay habka seeska Soomaaliland loo abqalay, beesha keli ahna awooddii lagu wada heshiiyay iskugu soo koobtay candhuuftooda ayay dib u liqeen, oo isku samirsiiyeen khaladkaa in dib laga sixi doono. Tolka Isaaq qudhooda oo wax kala tabanaya, misna aan isku calool fayoowayni 94-kii waa kuwii goondaha is daray ee isku riiqmay. Waayahaa iyo wixii ka danbeeyba sidii wax u socdeen weynu ka wada dheragsanahay oo kusii tiigaadi mayo tagtadaa. 

Dabcan, banbadaa 32-da sanno ibtu u furnayd dharaar uun inay qarxayso, beelaha kalena dulqaadka iyo samirku ka dhamaanayo qof kastaa wuu hilaadinayay, ma ahayn wax kedis ku dhacay ee qofka si dhab ah wax u darsay wuu yaqiinsana inay imanayso ammintani. Miinada 32-da sanno heeganka u ahayd wax qarxiya, eebbe nasri qarxiya ayuu usoo diray, Muuse Biixi iyo kooxda talada haysa ayaanu sabab uga dhigay.

Abuurta noolaha Bina-adamka la yidhaa ayaa u sameysan marka awoodda iyo gacan sareynta uu yeesho inaanu garawshiyo ka bixin suluuga cidda tabashada qabta. Tolka Isaaq wakhtigaa aadka u dheer inay wax walba isku soo koobeen wey dareensanayeen, laakiin ku talo gal, itaal iyo awood ay istuseen ayaa miyirka ka qaaday.

Tolka Warsengali oo ka mid ahaa laf dhabarkii yagleelka Laanta, 2019-kii Taliyaha Ciidanka milatariga Nuux Taani dharaar cad watii u ku sheegay hunguri inay kula jogeen oo daacad anay ahayn. Malinkaa si toos ah ayay tolka Warsengali u yaqiinsadeen in Somaliland ay u kala dhamaatay. Tolka Dhulbahante oo sad-bursiga iyo dhinac ka rarnaanta Soomaaliland usii dul qaadan kari wayay, jidka dagaalka iyo awood wax iska dhicinta wakuwii qaaday halgan nafo badan ay ku wayeen, balse aakhirkii libinta helay. Markii tolka Daraawisheed galbaday ee maamulkii iyo ciidankii Laanta xinniinyo ay iskaga xoreyeen, kadib Soomaaliland waxaa ku dhacay " Domino Effect"- Dheeliga iyo dhantalka Soomaliland ku yimi intaa kuma joogsan. e, tolka Samaroon oo tabasho qabaa markooda wakuwaa calaamad sua'aal dul saaray wada lahaanshaha maamulkii lagu heshiyay. Sida xaqiiqda ah xaqbay u leeyihin inay dantooda iyo aayahooda wax iska weydiyaan. Sida xaqiiqda ah shaqsi kastoo beesha Isaaq ka dhashay oo indho qabiil aan wax ku eegin wuu ila qirsanyahay taas. 

Gunaanadka weedhahayga, talo xumadeenna darteed, tolka Dhulbahante dhulkoodii la go'e oo inaga tashte, tolka Warsangelina sannado ka hor inaga weecdee. Imika intaa soo hadhay, ee tabashada tolka Samaroon ka mid tahay, belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma lehe, yaynaan sidii xaaladda Sool waalli iyo maxay sameyn karaan ku wajihine, aynu si miyir qab ah xaaladda ka yeelno. Sidoo kale Soomaaliland haddii rejo aynu ka qabno dib u habayn iyo dastuurkoo dib loo furo ka maarmi maysee, wixii 32-kaa sanno khaldamay iyo sida wax loo sixi karo aynu wax iska weydiinno.

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...