Skip to main content

Waxbarashadeenna...............

Nidaamkeenna waxbarasho waa khaldanyahay, oo qaldanaanaya inta ay yihiin iskuuladeennu/dugsiyadeennu sidaa hadda. Sida xaqiiqda ah, 12 sanno ayaynu waxbarashada dugsi hoose, dhexe iyo sare ba ku qaadannaa. Waa 12 sanno oo khasaare ku soo idlaada ama ku idlaanaya, waxa keli ah ee aynu ka barannaa na waa ogaalkeenna oo yara kobca. Tusaale; waxa la inagu soo ballaysimay: in Hydrocarbons- ku yahay isku dhis ka kooban Carbon iyo Hydrogen keliya iyo in hydrocarbon-ka laga helo gaaska debiiciga ah, dhuxusha iyo shidaalka. Webiga Nile inuu yahay ka ugu dheer adduunka iyo in dhererkiisu yahay 6,650 KM ( Lix Kun Lix Boqol Iyo Konton Kiilo Mitir). Eekeye, Afmaldah iyo gabayadii Sayidka IWM. Waxaas na muddo yar baa lagu soo koobi karey ama guriga waa lagu baran karey, wax na lagama dheefo in intaa sanad kasta la inagu soo cel-celiyo. 12-ka sanno markaynu dhameyno waxaynu nahay bilaa xirfad iyo khibrad ( No Skills And No Experience), dugsiyada la inaguma baro aragti togan, khibrad iyo xirfad qofku ku shaqo tagi karo, isla marka uu helo shahaadada dugsiga sare. Iska daa wax kale e, waxa ugu yar oo ah barashada xog-ogaalnimada nafeed ( self awareness) kama faa'idno. Wakhtigaa dheer qofka fekerka ayuun baa laga dilaa, oo waxa lagu ababiyaa xiftinta waxaa aan kor kusoo xusay, halkii lagu tababari lahaa inuu fekero iyo in uu soo kordhiyo wax cusub, waxaan odhan karaa xaqiiqdii "School teaches children WHAT to think, not HOW to think." Waxbarashadeennu waa mid duugowday. Taas muran kama qabtaan sow mahaa? There is no doubt that the somalis education system is outdated. Ku darsoo manaahijta aynu isticmaalno waa mid duug ah. Tani waa dhibaato weyn oo xaaladda hadda (current scenario) iyo arrimaha hadda taagan (current affairs) waxba la inagama baro, waa muhiim manhajkeenna inaynu cusboonaysiino (it is important to keep the books updated.) Fahamkaaga aan soo dhoweeyo; dunidan cusub waa laasim in lacag la tabcado. Iskuulaadkeennu miyay taas wax inaga baraan? wax ku saabsan xirfad hebel lacag mug weyn laga sameyn karo miyay inoo tilmaamaan, oo ina baraan? Nidaamkeenna waxbarasho wuxuu diiradda saaraa oral knowledge keli ah, halkii ay ahayd inay noqoto Professionalism-knowledge. Waxbarashadeena iskuulku iska daa taas inaynu ka barannee jaamacadda inooma diyaariso. Tusaale; haddii aynu doonno inaynu jaamacadda ka baranno maaddada Information Technology ama dheh Computer Science, dugsigii hoose, dhexe iyo sareba la inaguma soo barin Computer fundamentals-oo ah salka iyo bilowga computer-ka. 


Runtii, runtii waa ayaan-darro ilme walboo soomaali ah, oo iskuul lagu daray inuu ku xukumanyahay 12 sano oo qaflad ah; qaflad dheefteedu liidato. Dunidu wakhtigani waa horumartay, oo tusaale waxyaabaha aynu beddeli karno ee dunidani casriga ah kala jaanqaadi karno waxbarashada dugsiga dhexe illaa ka sare ee la horumariyay waxaa ka mid ah dhawrkani qodob: 

1. In ardayda la baro xirfado iyo sida si iskaashi ah xirfado uga wada hawlgeli karaan. 

2. In la soo koobo wakhtiga dhawr iyo tobanka sano ah--ugu yaraan haddii wakhtiga aan la koobayna in afarta sanno ee dugsiga sare (high school) ardayga laga daayo/weeciyo maadooyinka 8-dii sano ee hore lasoo barayay, oo xirfado itus oo i taabsii ah iyo maadooyin sida: investment subjects, critical thinking, rhetoric, public speaking, negotiation and leadership loo dhigo. Ku darsoo, nidaamka wakhtigani ee 12-ka sano ah waddamo badan ayaa ka guuray. 

3. Joojinta wakhtiga 6.00 Am ( Lixda Subaxnimo) illaa 02.00 pm ( Labada Duhurnimo) iyo Lix maalmood ee xidhiidhka ee ardayda wax la barayo oo wax laga baddalo- tani ardayda waxay ku sababta niyadjab, waxbarasho nacayb iyo dareemidda wahsi iyo daal nafsi ah. 


Ugu danbeyn, waa in dib u habeyn lagu sameeyaa nidaamkeenna waxbarasho ee dugsiyada/iskuulada, manaahijteenna waxbarasho iyo xilliga waxbarashada. Waa in dib loo abqaala nidaamkeenna waxbarashada ah old school-ka, oo aynu wax ka barannaa nidaamyada waxbarasho ee dunida casriga ah.



Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...