Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2025

Toddobaadka Soomaalida

 Waxaynu galnay toddobaad qiimo iyo xasuus qaran xambaarsan — Todobaadka Soomaalida.  26-ka June, maalinta calanka; oo ah maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay geyiga soomaalida. Dhulkii hore loo odhan jiray British-ruled Somaliland (Gobolada Waqooyi ama Somaliland)  27-ka June dharaarta calanka Soomalida Jabuuti laga taagay dhulkii loo yaqaanay  ( French-Somaliland), lana bud-dhigay Jamhuuriyadda Jabuuti. iyo 1 luulyo maalinta midowga laba ka mid ah shantii soomaaliyeed - waa midnimada labadii gobol Waaqoyi, iyo  Koonfur iyo aas-aaskii Jamhuuriyadda Soomaaliya.  Toddobaadkani oo kale waa maalmaha keliya ee xuskeeda aan weyneeyo. Inkastoo sannaddihii u danbeyay aan garwaaqaaday weedhaha aan u adeegsado inay ka duwanaadaan kuwii aan adeegsan jiray. Li ajliga faham badan oo mawduucaa, iyo taariikhdaa iiga baxay.  Ereyada aan isticmaalkooda meesha ka saaray waxa ka mid ah " XORRIYAD INAYNU KA HELNAY GUUMEYSTE,"-  adeegsigoodu wax ila habboon iina ...

Horta anigu kumaan ahay!?

 Waxaan ahay harag wixii ku jiray laga qaaday. Laakiin wali waan neefsanayaa — sabab aanan wali garan. Ma garanayo goorta ay igu bilaabmatay, mana hayo waqtiga saxda ah ee aan dareemay. Balse waxaan ogahay inaan hadda ahay hadh ka hadhay wixii aan ahaan jiray. Waxaan la noolahay daal aan jidhka keliya taaban, balse nafta qudheeda saameeyay. Waxan ahay sida gidaar hoostiisa laga saaray tiirarkii hayey, se weli waan taaganahay, si aan dadka ugu muujiyo xoog, inkasta oo dumitaan aan ku dhowahay. Dadka qaar waxay u maleynayaan in daalkaygu yahay jidhka oo seexan la’ ama hawl culus oo i haysata. Laakiin aniga daalkaygu waa mid hurdo aan wax ka tari karin — daal ruuxeed, mid nafeed, mid igu furay su’aal aan weli jawaabteeda helin oo ah: “Haddii unugyadii tamarta la iga siibay, maxaan weli ku noolahay, ee u noolahay?”  Waxaan soo maray burbur — mid nololeed, mid siyaasadeed, mid dhaqan-tiran, iyo mid dadnnimo-tiran. Waan gubtay, kala go’ay, la i kala firdheeyay. Dagaallo aan dhammaan...