Skip to main content

Qaraxii isgoyska Zoobbe

 Maalin sabti ah 14-kii Octooba 2017 


14-kii bisha 10-naad ee sannadkii 2017, 8 gu' ka hor, maanta oo kale Soomaalida waxay u ahayd dharaar murugo leh, maalin mugdi ah, oo hal mar uu dhiigoodu qubtay in ka badan kun shacab Soomaliyeed oo aan waxba galabsan.


Waa Xusuus ma-hadho ah iyo ammin guri kastoo qof Soomaali ahi ku noolaa dal iyo dibadba hal mar laga wada ilmeeyay, lagana dareemay baaxadda dhiibatada shacabka muqdisho ku habsatay-kaddib markii gaadhi xammuul ah oo laga soo buuxiyey sun, waxyaabaha qarxa iyo kimikooyin lagu qarxiyey wadnahii iyo  halbowlahii Xamar; isgoyska Zoobbe oo ahayd meesha ay badi maraan dadka ku nool magaalada Muqdisho. Qaraxaasi wuxuu  galaaftay Waalid denbi la'aan ah, Caruur noloshu u bilow tahay iyo Dhallinyaro nolosha Mustaqbal ka lahaa, oo qaarkood aan illaa maanta jidhkooda meel lagu sheegin.  Shacab kor u dhaafaya Kun  ruux, ayaa ilbidhiqsiyo mahlakadaasi haleeshay, tiro aad u badan ayaa daqiiqado galbaday, boqolaal qof ayaa maalinta lixaadkooda waayeey, tiro intaa ka badanna dhaawicii malintaasi haleelay ayay illaa hadda la noolyihiin, misna la daaladhacayaan saameytiisii jidheed iyo nafsiyadeed.  


Waa mahadho iyo Taariikh madow oo ay tahay in aynu xusno oo xasuusano, si aysan u noqon keliya takto ina soo martay oo si yar loo illaway.


Eebbe ha u raxmado oo ha u naxaristo shuhadadii dhacdaadaasi ku naf weyday, inta weli la nool dhaawici maalintasna Rabbi laxaadkooda iyo caafimaadkooda ha u soo celiyo.


Maalinkaasi wixii aan ka xasuusto, iyo halka aan ku sugnaa, marbaan qoraal kayd ah kasoo sameyn doonaa idamka alle. 

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...