Silsiladda safarkayga: Safar dan iyo shaqo ama dalbarasho iyo dad barasho kii aan ku jiray ba Sanaag soo arkay. Qaybtii koobaad ee Safarkii Sanaag.
Waa safar shaqo, balse aniga waxaa ii dheer inuu ii yahay safar dalbarasho iyo dad barasho. Dabcan, hore uma arag gobolka Sanaag oo idil. Dhawr jeer oo aan qorsheystay kusoo daansha-daanshoodka gobolka awoowayaasha, duruuf iyo marxalado kala geddisan, oo hadba ila soo gudboonaday ayaa ii saamixi wayey. Shanta gobol ee kale ee geyiga Soomaaliland inaan arkay, oo gobolka Sanaag soohdintiisa anan weli u tallaabin waa waxa iga yeeshay Sanaag xiise aan dhamaan inaan u hayo. Shantaa kor aan ku soo sheegay iyo deeggaanada kale ee beledka soomaal ee aan u safray gobolkanaa iska fadhiista yidhi; bil xaqiiq,
dalkeenna waxa ugu mudan Ceerigaabo; uguna muuq dheer. Cakuye! Sabab ayaan intaa oo dhan u arag? Intaasi afeef ha iga ahaatee.
Waxa safarka macda u yeelay intii aanu jidka sii jibaxaynay, baaburka/gaadhiga aanu saaranahay waxaanu ku saranahay saddex koox oo kala ah: qayb hore ugu dawaafay dalsanta dalkeenna, qayb deegaanka ah oo waddada daalisay iyo rag markii u horeysay ee Sanaag u sadcaalaya. Aniga iyo jaalkay gacalle Cabaas waa markii noogu horeysay ee aanu u gooshayno, jaalle Heemaal iyo shafeer/darawal Mustafe hore ayay ugu safreen, oo hadba si qaayo leh bay noogu sheegayaan deegaannada aanu dhex dekeynayno. Waxay noo tibaaxayaan hadba deegaanka noo xiga. Dhanka deegaanka shaqsiga deegaanka ah afgaabnimadiisa, in aannaan ahayn dad hore isu yaqanay oo uu naga gaabsanayay iyo shaqsi dhulka iyo taariikhda aan aqoon kii ay tahay ba wey yareyd waxaanu isku darsannay.
tuulada Xayira isla markii aanu gaadhnay; judhiiba waxaan dareemay laydh iyo jawi qabow ah iyo cimilo ka geddisan tii aan ka nimi ee Caynaba oo jewigeeda huurka ah; huurka Caynaba iyo soonaheeda malaha macdan iyo shiidaal baa lakabka hoose ee dhulkeeda ka karkaraya! Kkkkkkk
Gar-adag baanu ku qadeynay oo ku nasannay. Jaalkay, saaxiibkayo Xoghaye Siilaanyo oo deegaanka kasoo jeeda ayaa noo hurda geeyay geed berde ah oo qiyaastii 4-kilometer u jira magaalada. Geedka berdaha ah hoostiisa ayaanu diiftii iyo daalkii safarka saacad iskaga soo maydhnay. Sidoo kale, geedka cadeyga laga soo jaro baa magaaladu qani ku tahay. Cadey dabiici ah oo qo'yan buu noo soo gooyay, kadibna, raggu isku tuurtuuray kaftan noo gaar ah oo geedka ka bilaabmay. Dhanka kale, waddaada dheer ee aanu dhex mushaaxayno dhirta dhaadheer wey ku yaraayeen, dhif bay ahayd inaanu aragno oo ban cadde ayaanu gaalabixinaynay.
Markan waxaanu soo gaadhmay Ceel-afweyn; magaalo colaad asaaggeed ka reebtay. Waa magaalo weyn baaxad ahaan, oo cammiran. Laakiin, colaadda dadka olloga ah ee deegaanka wada dega ayaa Ceel-afweyn ka yeeshay magaalo taariikhda u gasha diiwanku tahay 12-kii sannadood ee u danbeeyay ba dhiig tahay! Tabtaas bay ahayd wakhti dheer, oo aan maqli jiray. Tii ayaan indhahayga kusoo arkay. Ammintii aan joognay, habeennimadkii ayaan miriro u baxay gudaha magaalada. Sekad walba ciidan milatari ahbaa taagnaa waddada kala qaybisa magaalada. Colaadda 12 sano jirsatay ee halkani ka jirtaa oo ah mid salkeedu balaadhanyahay, bandowga sida loo joogo lagu soo rogaana dadka deeganku waxay la qabsadeen ayuu noqday; oo wakhti ka mid ah digreeto madaxweyne ayaa bandow lagu saaray ba Ceel-afweyn, Gar-adag illa Ceerigaabo. Marka dadka deegaanka aad wareysatid waxaa kuu soo baxaysa: in saddexda wax ee colaaddan xal waara loogu heli waayey, misna wadaad, bah dhaqan, wax garad iyo mucda bulshadu maaraha ugu weyday inay tahay; gaas-dhagool dilku u yahay wax iska caadi ah; oo nabaddii lagu heshiiyaba dalaw baas ka tuura, arrimo siyasadeed; siyasiyiin ay ugu badiso colaadas iyo khilaaf ku saleysan dhanka khayraadka (Resource based conflicts); oo ah ba halkii koobaad ee dhibtani ka aloosantay. Ceelka Ceel-Afweyn ah anigoo qalbiga ka ilmeynaya xalkeeda dartii, sidoo kalena wakhti badan sii joogin, siina xiisaynaya ayaan ka sii safray.
Dhibaadata ugu weyn ee Sanaag ka jirta wakhtigan aanu u safarnay waa Xoon-beerasho dadka wada degaa dhulka gobolkan mid walba feer buu heegaan dagaal ugu jiraa. Mawduuc gaar ahbuu noqonayaa; haddii aan is idhaa ku sii tiigaad e, qoraal gaar ah oo faahfaahsan ayaan ka sameyn. Dhanka kale, daryeelka caafimaadka oo liita iyo tuulooyinka qaarkood adeegyada caafimaad ee laga heli karaa widhiidh yahay qaarkoodna aanu jirin ba waxay kala simanyihiin bariga degelka Soomaaliland, oo hagrasho dawladeed ay heshay, misna xukumaddani dayacday. Sidaasu weliba wasiirka caafimaadku ku yahay shaqsi deegaanka kasoo jeeda! Metelaad la'aan dheh!
________________________________________________
Xoonbeerasho = hub uruuursi
Feer = Dhinac
Olloga ah = deriska ah
________________________________________________
Comments
Post a Comment