Markaa ayuunba qax, dagaal iyo burbur laga soo gudbay. Taariikhdu waa 1-dii bisha February 1994-kii. Subaxnnimadaa waxa lagu waaberistay war bulshada dhegahoodu maqlaan kii ugu wacnaa, war ma ahayne mucjiso mar iyo dhif dhacda ayay ahayd. Guutaddii 10-naad ee SNM ayaa hub dhigis sameysay, kadib Ciidaammaddii kale ayaa ku dayday oo Stadium-ka Hargaysa hub dhigis ku sameeyay. Maalinkaa ayay sheekadaydu bilaabmaysaa, da'adaydu waa labbaataneeyo sanno, ka hor taariikhdaa maskaxdayda amminna ma gelin qori qaado, laakiin wax walba dareenkii iyo jawiga aan garoonka kubadda cagta ee Hargaysa ku arkay ayaa beddelay. Hadalladda mudantii iyo labeentii hadashay ayaa ii sawiray hummaag iyo sawrac waddanninimo, nolol gadaal iiga farxin doonta iyo horumar bulsheedba ii muuqday . Waxa aan go'aansaday inaan Ciidanka ku biiro, haddii anigu aan waayay nolol san iyo nagaanshiyo amni caruurtaydu inaanay dareemin qaxi iyo dhibtii aan soo dhadhamiyay, ubadkayga dartood inaan Askari Qaran u noqdo a...
Ardaaga Caddaanni