Xasuusaha tagtadu waa keydka nolosha – halkaasi oo ay ku urursan yihiin waayo-aragnimada, qalbi-jabka iyo farxaddii shalay. Dadka badankiisu ma jecla xasuusashada iyo xuska sawiraddii iyo muqaaladdii tagtadii ay iska reebeen. Se anigu waa ku faana, waxaan aamminsanahay; inay wanaagsantahay in la xasuusto oo la xuso--waayo waa jid aad soo martay iyo jaranjaro aad soo dhaaftay. In lagu noolaado ma ahaa, se waa in lala noolaado. Runtii, "Nostalgia is one of the sweetest feelings because it connects us to our past."
Aan ku soo noqdo muuqaalkani xasuusta ah, micnayaasha uu bixinayo, iyo dhacdooyinka uu gudbinayee. Saddex gobol ( hoos ayaan ku xusi doonaa), iyo shan deegaan oo kala duwan rag kasoo jeeda ayuu muqaalkani kulmiyay. Kulan keliya maahee, rafiiq iyo saaxiibo farxadda, murugta, iyo qulubka wada qaybsada ayuu naga dhigay! Waxbaa na mideynayay, misna soomaalinimo ayaanu isku dugsan jirnay oo hab nololeedkii iyo dhaqankii soomaalinimo ayaanu iska urin jirnay. Sideedaba qurbaha marka la joogo waxa la ogaadaa; in soomaalinimadu ka qiimo badantahay qabiilka iyo xayndaabka yar ee la isku soo oodo. Noloshaasi ayaa casharkaasi na bartay, oo anna aan dabbaqay. Inkastoo wacyigaygu markaaba sidaasi ahaa, se qofka lunsan ama goofka reerkiisa aaminsanaa, waayo aragnnimo iyo ogaanshaha xaqiiqdaasi ayaa dersi ugu filan.
Cabdiraxmaan Cilmi oo kasoo jeeda Cadaado, Baxdo iyo Mudug, Cabdi-Weli oo isna Ceel-buur, Galhareeri iyo Galgaduud ah, Shucayb Shiriif Cali oo asal ahaan Hobyo iyo Mudug ku abtirsada, Axmed Caddaawe oo Kala-baydh iyo Mudug ku aroora ayaa igu weheliya aniga oo Habuura iyo Togdheer ka ceel cabba.
Waa 8 sanno ka hor, nasasho iyo dalxiis ( Picnic) ayaanu isku raacnay asxaabta halkani ka muuqata, oo aanu isku cusbayn markaasi iyo qaar kale oo goob kale ku madadaalanayey wakhtigani muqaalka aanu dubayno. Inaanu dalxiis u wada baxno, oo xitaa nayaayiro ka raadino goobaha caruurta lagu madadaaliyo wax weyn oo lama helaan ah ayay markaasi noo ahayd. Mid kasta oo naga mid ah ayaa iskii isugu buuqsanaa.
Heestani aanu qaadayno;
Waagaasi ayaan bartay oo waxa heestani na baray ninkaa garamadda/funaanadda cad sita, oo Axmed Caddaawe la yidhaa. Cod legdan, oo luxdan ayuu habeen kasta nagu maawelin jiray oo wadajir aanu ugu madaddaalan jirnay. Heestani ayaa ka mid ahayd kuwii aanu ku caweyn jirnay. Sababta ugu weyn ee micnaha ay noogu sameyn jirtay heestani waa; inay ka turjumaysay marxalad aanu ku jirnay. Dalkani iyo habnololeedkiisa oo nagu cusub, nidaamka waxbarasho oo nagu cusub, ka geddisan kii aanu wax kusoo baranay, oo ka adag. Cuntada iyo kelinimada/solayninada lafteeda oo nagu cusub. Wax wada cusub iyo waayo adag oo dharaaro kooban kaddib laga gudbay ayaanu dhex durduuranaynaa, dib ayaanu wax walba kala qabsanay e!
"Lahal maalay leylee
Ama lumay oo laywaa
Ama ladhay naftaydoo
Ku liibaanay raacdada"
Shiidaal iyo dhiirigelin ayaanu ka heli jirnay marka aanu intaasi wadajir ugu luqeynayno!
Axmed Caddaawe iyo Cabdiweli akoonki hore ayay iga raaceen, oo waanu kala lunnay. Waan jeclaa inaanu dib isku helno. Labada nin ee kale waanu iska war haynaa, oo is xidhiidhinnaa Eebbe galaddii.
Comments
Post a Comment