Skip to main content

Toddobaadka Soomaalida

 Waxaynu galnay toddobaad qiimo iyo xasuus qaran xambaarsan — Todobaadka Soomaalida.  26-ka June, maalinta calanka; oo ah maalintii calan Soomaaliyeed laga taagay geyiga soomaalida. Dhulkii hore loo odhan jiray British-ruled Somaliland (Gobolada Waqooyi ama Somaliland)  27-ka June dharaarta calanka Soomalida Jabuuti laga taagay dhulkii loo yaqaanay  ( French-Somaliland), lana bud-dhigay Jamhuuriyadda Jabuuti. iyo 1 luulyo maalinta midowga laba ka mid ah shantii soomaaliyeed - waa midnimada labadii gobol Waaqoyi, iyo  Koonfur iyo aas-aaskii Jamhuuriyadda Soomaaliya. 


Toddobaadkani oo kale waa maalmaha keliya ee xuskeeda aan weyneeyo. Inkastoo sannaddihii u danbeyay aan garwaaqaaday weedhaha aan u adeegsado inay ka duwanaadaan kuwii aan adeegsan jiray. Li ajliga faham badan oo mawduucaa, iyo taariikhdaa iiga baxay.  Ereyada aan isticmaalkooda meesha ka saaray waxa ka mid ah " XORRIYAD INAYNU KA HELNAY GUUMEYSTE,"-  adeegsigoodu wax ila habboon iina cuntama waa noqon waayeen. Sababta oo ah dullimo ayay inoo tahay inaynu weyneyno guusha niman reer yurub ah, oo duullaan inagu ahaa, sidoo kale haddii aynu maalmahani ku shaanbadeynno inaynu sancaddaale ka helnay xorriyad iyaga ayaynu ii dheh, iyo taariikh u sameynaynaa. Afrikaanka, weliba kuwa aadka u liita oo aynu ka mid nahay keliya ayaa u dabaal degga wax loogu yeedho inay xorriyad ka heleen cido kale. Taasi beddelkeeda sida aad kor ka aragtidba waxa ila qumman, oo aan qabatimay  inaynu adeegsanno weedhaha saxda ah ee maalmahani ku astaysan yihiin oo noqonaya; 26-ka June maalinta calanka. 27-ka June maalinta calanka iyo aas-aaska Jamhuuriyadda Jibuuti. 1-da Luulyo (July) maalinta midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. 


Waan jeclaan lahaa farriintaasi inay gaadho madaxda, iyo guddiyada qaban qaabada maalmahani, si ay uga waantoobaan ereyada aynu qaayibnay ee Xornnimo helid. 


Iga dhan!

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...