20-kii eybral/April, maalintii la i ballaysimay sannadguuradeedii ayay ku beeganatahay. Hayeeshee, sidii ruux hilaaddii tagtay indhaha walac ka siiyay baan ammintani gu'gii koobaad ee dib-u-dhalashadayda u dabbaaldegayaa. Dabshidkii galbaday irbaddii suuxisada ahayd ee aan isaga muday wax walba; inkastoo urugo iyo uur-ku-taallo ay lahayd inaan jiraalkayga ka saaro doonistii is daba joogga ahayd ee danta guud iyo halganka wadareed waa ku guuleystay. Waan qabatimay oo is dooriyay si dhammeystiran. inaan sidaa uga doogay ama Geel wabax ah oo ka daatay xeradiisa si la mid ah timaaddada ama gu'yaal doora kaddib inay noqoto wakhtiga ayaan u deyn. 2 sanno horteed haddii aan sidani ku cataabayay: https://moadaani.blogspot.com/2024/05/april-20-2024-dhalashadayda-xus-xasuus.html Misna kalkii hore aan isku dardaar werinayay tabtani: https://moadaani.blogspot.com/2025/04/20-ka-abriil-sannadguuro-dhalasho-jab.html Sannadkaani sedkiisu ii buuxsamay ku noolanshiyaha nolol qofee...
Ardaaga Caddaanni