Skip to main content

Sagootis: wadbaa ka dhigay tusbax furmay...........

Inkastoo geerida kedisada ah iyo mawtul-qafluhu sidiisa u naxdin badan yahay, waxa ka sii xanuun iyo murug badan ruux dhalinyaro ah, oo hadda uun dunida jaanta iyo jiibta la helay dhimashadiisa. Markaan halacsado ruux dhallinyaro ahoo aqoon annaan isku lahayn oo koonka ka sadcaalay dareen iyo damiir ahaanba waan u qasmaa, gubtaa, misna walbahaaraa. Marka saaxiib, rafiiq iyo qof aan isku milannay ay ku timaadana xaaladaydu waa ta aan hadda ku suganahay oo kale- waa marxalad argagax, qarracan ah iyo u qaadan waa ah. 


Habeenkii koobaad ayuu u hoyanayaa gurigiisii rasmiga ahaa. Aniguna miiskii iyo labadii kuraas ee doodaha, iyo lafagurka hayaanka nololeed aanu isku weydaarsan jirnay, kuna caweyn jirnay ayaan habeenkii koobaad keli ku ahay. Kuraasta iyo miiska wareegsan laftarkoodu waa habeenkii saddexaad ee wadajirkayaga ay tabayaan. Xalay oo hoygiisa loo gelbiyay, iyo habeen hore oo hawlo na kala mashquuliyeen ayaanu soo moogganahay. 


Waa duni maalinba qof qabriga loo gelbinaye, saaka ayaa Khaalid-Gaas la aasay, oo lala aasay riyooyinkii mugga weynaa ee uu qorsheytay, iyo himilooyinkii u haybinayay gaadhistooda. Ina Axmed Muxumed Cali Gaas wuxuu ahaa ehlu cibaado, salaad sax ah. Quraan akhriska saaxiib ayuu la ahaa, maalmaha Isniinta iyo Khamiista waa yareyd inta aanu ka soomin. Maalin ka hor geeridisa oo Isniintii ku astaysan wuu soomanaa, oo maaddaama hal Saxan iyo Hudheel aanu wax ka wada cuni jirnay, wuxuu maalinkaa igu war geliyay inuu soomanyahay, oo aan keligay iska qado tago. Habeenkiina aniga ayaa ku wargeliyay inuu iska casheeyo, oo caweska aanu iman, li ajliga inay ahayd habeenkii kubadda aan aadi jiray. Iinsaanka dunta wanaagsan ee rabbi igu hareereyay ayuu Khaalid ka mid ahaa. Dun wacnaanta, waalid addecnimada, naxarista, astaaaha dadnimada iyo sifo kastoo "NIN RAGEED" lahaa ayuu koobsaday. Xayndaabkayga iyo dadka igu hareeraysan, 10 shaqsi oo ka mid ah oo mar kastoo aan la shawro/haasawo ama la rafiiqo aan la tacajabo, oo tamadiyo garashadooda iyo sifooyinka ay koobsadeen ayuu ka mid ahaa. Ruux qalbiyadayadu is toydeen, misna si fudud iskula jaan qaadeen ayuu ahaa, se wadbaa ka dhigay tusbax kala furmay. Wadbaa na kala geeyay aniga, qoyskiisii u hanka weynaa, iyo gurigii uu curadka u ahaa iyo asxaabtiisii uu ku faani jiray, ee marwalba uu iiga warrami jiray. 


Eebbe qabriga ha u nuuriyee, 10 dharaarood ayaa kasoo wareegtay ammintii uu ka qalinjebiyay heerka koobaad ee jaamacadda. Mikaygii iyo maalmihii u danbeeyay ee nolosha adduunyo uu ku lahaa waxaanu ka wada haasaaweynay caalamka waxbarshada, guurka, lacag sameynta, kala duwananshaha fursadaha dalka iyo dunida kale iyo helidda kaansho uu Kanada ka baadi goobayay. Musiibo aan ku odhan jiray waan ka cabsadaa in ay dhallinyaranimo igu timaado oo ahayd; "mawdki inuu i haleelo iyadoo aanan ka tegin taariikh, iyo wax timaadada la igu xasuusto ama ubad araggooda la iigu soo duceeyo oo magacayga sii sida" ayaa haleeshay.


"Dadka wanaagsan dunida kuma sii waaraan" waa odhaah caam ah oo markasta dhegaygu qaayibeen, ma qaadan jirin, ase beryihii u danbeysay aadbaan u aaminay. waayo dheh? Intii dad u wanaagsanaa, oo dunida ka sii socda ayaan arkayaa. Qof aad shan daqiiqo horteed is aragteen sidaas u rumeysato inuu mayd yahay waa adagtahay. Dhabtii, illaa hadda geeridiisu maskaxdayda ma gelin. Khaalid, Eebbe qabriga ha u waasiciyo, oo ha u naxaristo. Samir iyo iimaanna ha ka siiyo Aabbihii, Hooyadii, walaalihii, ehelkiisa iyo asxaabtiisii sida guud iyo sida gaar ahaaneed ay isu yaqaneenba. 




01-10-25

Sagootis.

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...