Waa maxay bariiska caaga ka sameysan ee Africa loo soo dhoofiyo? Bariiskaan bugta ah waxay sheekadiisu ka bilaabatay dalka China dhowr sano ka hor. Laakiin wuxuu ku faafay dhowr dal oo kala ah India, Indonesia, Vietnam iyo wadamo kale oo daris la ah.Waxaa bariiskaas si qarsoodi ah lagu gayn jiray dalalkaas, inkastoo markii dambo laga bilaabay in warshado hoos taga shirkadahaas si qarsoodi ah looga furay sida dalka Vietnam.Baaris lagu sameeyay bariiskaan bugta ah waxaa la ogaaday in laga sameeyay baradho iyo caag la isku shiiday, taasoo loo ekeysiiyay wax aan laga garanayn bariiska caadiga ah, kadibne la midabeeyay, laguna buufiyay caraftii bariiska oo kale. (Sawirka kore waa bariis caag ah).Way adag tahay in aragti lagu garto bariiskaan laakiin markii dabka la saaro, sida bariiska saxda ah ma noqdo oo sidii caag la shiilay oo kale ayuu isku dhegdhegaa, wuuna burburaa, gacantaadane kuma dhegdhegayo, wuxuuna yeeshaa ur sida baradhada oo kale oo ka duwan tan bariiska saxda ah ee la yaqaa...