Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay hagayaan ahaanshaha "DANEYSTE"— Badqabkeyga ayaa ah
Mmudnaanta koowaad, waana sababta aan u doortay inaan si furan u fekero, ugana takhaluso wax kasta oo culays igu haya ( ha ugu weynaadaan labadii aragtiyood ee hore aan usoo xusay, ee marwalba aan odhan jiray: "jiraalkayga iyaga ayaan u taaganahay, una noolahay.") Waxaan qaatay inaan dhisto nolol qofeed caafimaad qabta—maskax ahaan, jidh ahaan, maal ahaan iyo ruux ahaanba. Akhriste, qoraalkani ma aad fahmin. Fahmi maysid oo waa silsilad isku sidkan.
Sannadkan ma ahan oo kaliya dabaaldeg sannadguuro dhalasho, balse waa bilow cusub. Qaamuuskii collectivism-ka ee aan u janjeedhay waxaan ku beddelay, oo qaatay aragtida Individualism. Sidoo kale, waxaan go'aansaday in aan isbeddel sameeyo; inaan noqdo dantii garad iyo qof ka duwan kii aan ahaan jiray. Si dhab ah ayaan u aasay aragtiyihii iyo riyooyinkii aan la koray ee u eekaday sawirka khiyaalka ah, iyo hiiraalkii dhaallaannimo, illaa dhallinyaranimo oo ahaa; dadkaaga iyo dalkaaga wax walba, xitaa taada gaarka ah ka hormari. Ma jirto wax la hubo oo geerida aan ahayn. Waa macquul sannado kaddib inaan sii jili kari waayo qofnimadayda dani keentayda ah, laakiin dhawr biloodba qaacidadaa ah; dantaada dabo orod ayaan il isaga gartay, ku fara-adaygay oo ku talo jiraa inaan sidaa oo abadiyan ah ku wado. Inkastoo qalbigaygu aanu marnaba ka tanaasulayn doonista dhulka soomaalida ka maqan oo xor ah, iyo yididdiiladdii weynayd ee ku aadaneyd horumarka, nabad ku wada-noolanshaha iyo isku soo dhowaanta soomaal; se isagana waan ka adkaaday. Sidoo kale, labadaasi uun maahee danta-guud, nolosha murugada ah, harraadka, halamashka iyo hagardaamada badan ee ay la nool yihiin kuwa aan codkooda la maqlin, iyo xaaladda soomaalidu la harjadayso ee i xanuujin jirtay damiirkii guban jiray iyana waan damiyay, misna si tartiib-tartiib ah ayaan ula qabatimayaa. Waan dilay dareen walboo i gubi jiray — laakiin ma aanan dilin damiirkayga. 2025, danahayga inaan ku mashquulo, "anaani" na aan noqdo ayaa masiirkayga shaqsiyadeed u dooray. Inaan is hawlo ba ma aha. Cimrigayga dhallinyarnimo waa inaan ku qaataa wixii dheef iyo maal iga soo gelayo. Nolol ah maxaa iga galay, nolol xasilloon, deggan, oo cidna aanan u diirnaxayn, una murgeyn.
Sidii Hadraawi AHU uu hore u yidhi:
"Waxay iga soo duween
Jidkaan isku daawan jiray"- aniga noloshu waxay iga weecisay hammi iyo hadafyo ku sidkan himilooyin aan gardaadinayay, oo hiigsanayay waayihii caruurnimo. Maxaan sidaa u idhi? Waayo talaabo kastoo aan u qaado yoolasha kor ku xusan wuxuu ahaa mid aan ku dareemi jiray naallo iyo yididiilo weyn. Xitaa haddii geeridayda ay sabab u noqon lahayd, aniga oo qoslaya oo ku qanacsan ayaan god-geli lahaa. Diyaar baan u ahaa inaan u galo meelo naftayda iyo noloshayda u daran. Doorashada danbe waxaan doortay ma aha, se waxa i qasbay cidda igu hareeraysan, oo qoyskayga, iyo rafiiqyadayda nololeed ay ugu mudanyihiin, iyo aaminadda bulsheed. Markii aan arkay in dadka kale dhexdiisa aan ka noqday ruux waalan oo wax aan sina macquul ahayn ku mashquulsan, iyo qof danlaawe ah, sababo la xiriira inaanan nolosha u arkin sidii ay u arkaan, waxaan go’aansaday in aan sababtaa isku dhiibo, oo iyaga la mid noqdo. "NAFTAADA U NOOLOW," oo u dhiganta kaliya adduun iyo xoolo urursi, iyo naftaada keliya wixii wax tar u leh ku foof., oo ah xeer ay aaminsanyihiin dadka aan ka dhashay. Waan aqbalay inaan u noolaado sidii ay dadku rabaan, waxaan ka tegay sidii aan jeclaa inaan u noolado, si aan naftayda uga yeelo mid la mid ah taa asaagey ku hawlan yihiin, aniga oo aan ku dareemayn farxad oo aan ku qanacsanayn, se garawsan in iyagu ay iga saxsanyihiin. Si dhab ah ayaan u qaatay odhaah saacaddan oo kale sannadkii hore uu ii yidhi gacallahay Cabaas, oo weliba marar danbe oo dhowr ah doodo adag aanu ka yeelanay. Weedhahaasi oo ahaa; " waxa aanad heli karin, waxaa laga soo qaadaa wax aanad u baahnayn" Alleylehe!
Waxaan jeclaystay inay timaadada ii noqoto "guuldarro taariikheed" oo ah: inaan ku fashilmay wuxuun inaan ku darsado labadaa kacdoon, iyo ka soo kabashada bulshada ee burburkii ina haleelay. Weliba; waxaan isdhiibay bilaabashada qarnigii Soomaalida ee Geeska Afrika iyo goor baaraaruga Soomaalida, si gaar ah jiilka facay ah fahamkooda mawduucyadani kor u kacay.
Ugu danbeyn, Gu'u kale ayaa ii buuxsamay. 20-ka Abriil sababtaasi ayuun baan u xusayaa. Waa maalintii aan kusoo biiray koonka soomalida hammigooda ugu weyn yahay adduun iyo dhaldhalaalkiis, danta gaarka ahna qanuunka debiici ah u tahay, dantii guudna dalawga laga tuuray.
Waa isla doonasho ilaah e, dharaartii ifka aan imi 20-kii Abril Axad ayay ahayd… Maantana waa 20-kii Abril, Axad bay mar kale tahay!
Waa isla maalintii, waa isla bishii, sannadaha ayuunba kala duwan. Hilaaddani waxaan u dabbaaldegayaa wax ka badan dhalasho hore — waxaan u dabaaldegayaa wax u eeg dib-u-dhalasho—keli noolaansho, niyad cusub, iyo doonis ka geddisan rabitankaygii hore.
Fg: taswiirtani, waxaan kasoo saaray kaydka sawirada. Toban sanno ka hor, maanta oo kale, sannadkii ugu danbeeyay ee waayahaygii waxbarashada dugsiga sare ayaan ku galay barxadda iskuulkaygii Ileyska-Togdheer.
Maanta waa maalintaydii! - Happy Birthday to me!

Comments
Post a Comment