Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2025

Qaraxii isgoyska Zoobbe

 Maalin sabti ah 14-kii Octooba 2017  14-kii bisha 10-naad ee sannadkii 2017, 8 gu' ka hor, maanta oo kale Soomaalida waxay u ahayd dharaar murugo leh, maalin mugdi ah, oo hal mar uu dhiigoodu qubtay in ka badan kun shacab Soomaliyeed oo aan waxba galabsan. Waa Xusuus ma-hadho ah iyo ammin guri kastoo qof Soomaali ahi ku noolaa dal iyo dibadba hal mar laga wada ilmeeyay, lagana dareemay baaxadda dhiibatada shacabka muqdisho ku habsatay-kaddib markii gaadhi xammuul ah oo laga soo buuxiyey sun, waxyaabaha qarxa iyo kimikooyin lagu qarxiyey wadnahii iyo  halbowlahii Xamar; isgoyska Zoobbe oo ahayd meesha ay badi maraan dadka ku nool magaalada Muqdisho. Qaraxaasi wuxuu  galaaftay Waalid denbi la'aan ah, Caruur noloshu u bilow tahay iyo Dhallinyaro nolosha Mustaqbal ka lahaa, oo qaarkood aan illaa maanta jidhkooda meel lagu sheegin.  Shacab kor u dhaafaya Kun  ruux, ayaa ilbidhiqsiyo mahlakadaasi haleeshay, tiro aad u badan ayaa daqiiqado galbaday, boqolaal qof ...

Sagootis: wadbaa ka dhigay tusbax furmay...........

Inkastoo geerida kedisada ah iyo mawtul-qafluhu sidiisa u naxdin badan yahay, waxa ka sii xanuun iyo murug badan ruux dhalinyaro ah, oo hadda uun dunida jaanta iyo jiibta la helay dhimashadiisa. Markaan halacsado ruux dhallinyaro ahoo aqoon annaan isku lahayn oo koonka ka sadcaalay dareen iyo damiir ahaanba waan u qasmaa, gubtaa, misna walbahaaraa. Marka saaxiib, rafiiq iyo qof aan isku milannay ay ku timaadana xaaladaydu waa ta aan hadda ku suganahay oo kale- waa marxalad argagax, qarracan ah iyo u qaadan waa ah.  Habeenkii koobaad ayuu u hoyanayaa gurigiisii rasmiga ahaa. Aniguna miiskii iyo labadii kuraas ee doodaha, iyo lafagurka hayaanka nololeed aanu isku weydaarsan jirnay, kuna caweyn jirnay ayaan habeenkii koobaad keli ku ahay. Kuraasta iyo miiska wareegsan laftarkoodu waa habeenkii saddexaad ee wadajirkayaga ay tabayaan. Xalay oo hoygiisa loo gelbiyay, iyo habeen hore oo hawlo na kala mashquuliyeen ayaanu soo moogganahay.  Waa duni maalinba qof qabriga loo gelbinay...