Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2020
Dunidu waxay la tacalaysa xanuunka safmareenka ah ee Covid-19,Ma jiraan shaqooyinki loo fooftagi jiray bulshadeena danyarta ah ee sida dirqiga ah ku heli jiray halka ama labada wakhti iyo kuwii aan maalinta dhan dabka shidan duruufo dhaqaale darteedna la daladhacayay waa kuwa wakhtigan ugu nugul marxaladan . Hooyoyinkii si ay ubadkooda ugu soo helaan gasiin ay malintas quutaan subaxa hore u fooftagi jiray,goobaha waxbarashada hortoodana ku iibin jiray nususaca iyo goobaha kale ee wakhtigan la xidhay xaladooda nololeed xukumad iyo bulsha ahaan ma ka war haynaa? . Aabe yaasha iyo waalidka sida malin laha ah uga soo heli jiray shilimaadka goobaha shaqo ee wakhtigan xanuunka dartii albabada la iskugu dhuftay si ay ku qudin lahayeen ubadkooda xaladooda nololeed war ma ka haynaa ? Deriskaaga laga yaabo in anay malinta dhan cunto afka saarin nasriga allena sugaya wax ay cuni donana aan ogayn war ma ka haynaa. Hadii aad ku noshahay nolol aad 3da wakhti sideeda u helayso,bulshadeena inta ...