Silsiladda safarkayga : Yurub ama Yaxaaska, Geeri ama Guusha nololeed. Jeelka dhexe ee Jigjiga iyo Tobanguuradii.....................
Burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya; 1980-meeyadii iyo horraantii 1990-meeyadii ayaa tahriibka sharci-darrada ah iyo qaxu si xoogleh Soomaali ugu bilaabmay, se tahriibka casriga ah ee dhalinyarada — oo ah mid ay dadku si iskood ah u tahriibaan iyagoo nolol fiican raadinaya —wuxuu xoogaystay qarnigii 21-aad, gaar ahaan 2000-meeyadii iyo 2010-meeyadii. Jidka ugu caansan wuxuu noqday midka badda Mediterranean-ka mara, iyadoo safar halis ah lagu sii marayo dhulka Saxaraha si ay u gaaraan Libya iyo kaddib Yurub. Jiilka ugu badan ee hayaamay, ama ku le'eday jidkaasina waxay noqdeen dhallinyarada aanu isku ayniga iyo kacaanka ahayn. 2014 illaa 2017 Waa Markii tahriibku qof walba oo dhallinyaro ah uu u ahaa riyada — riyo uun ma ahayne jidka keliya ee loo arkayay in nolol lagu heli karo ayay ahayd. Tahriibka wuxuu noqday wax la bogaadiyo, qofkii tahriiba, keddibna Yurub galaa wuxuu noqday qof la amaano, taasoo dhalisay cadaadis bulsho oo ku qasbay dhalinyaro badan inay raacaan waddada tahriibka.
Aniga 2014 ayaa hammigaasi igu abuurmay; se wuxuu igu sii xoogaystay 2015-kii. Wakhtigaa waxaan dhihi jiray, oo weliba gidaarada gurigayaga ku qori jiray weedho ay ka mid ahayeen: " Yurub ama Yaxaaska, Yurub ama geeri sharaf leh iql."
Markani ayuunbaan galaya galaaska afraad ee dugsiga sare. Laakiin waxbarashada inaan sii wado dan iyo heelo kama lihi, oo waxaa igu weyn sidii aan uga baxsansan lahaa Xabsiga dhallinyarada iyo nolosha qaarada Madow. Aniga oo raadinaya waddo aan u maro bilawga safarka, misna baadigoobaya Magafe i qafaasha ayaa nin aanu saaxib iyo isku miis ahayn, Hargeysa joogaa oo da'a ahaan iga weynaa ka sheekeyay: nin intuu ka lugeeyay Gebilay, kaddib lug ku tagay Diridhaba, halkaa ka raacay bas oo sidaa waddada ku cabay. Wakhtigaa Gebilay illaa Kaara-mardha buurta la yidhaa ee Jigjiga duleedkeeda ah waa adkayd in la dhaafo. Waxaan qorsheystay inaan wadiiqadaa ninkaa raaco, se waa inaan helaa wehel safarkaa ila gasha.
Fasaxii ayaa isoo dhamaaday, oo Burco ayaan kusoo noqday; iyada oo hammigaasi iga dhex guuxayo. Asxaabtaydii iyo kooxdaydii kubadda cagta oo loo yaqaanay "Gereyada" ayaan kusoo noqday. Habeenkii waxaanu ku caweynaa kaabad oo halkaasi ayaanu marna ku sheekaysannaa — marna kooxaha kale iyo xaafadaha kale ka weerarnaa oo iska abaabulnaa. Si aan u helo cid aanu isku lug darsanno habbeenadaasi waxaan uga sheekayn jiray: " faa'idooyinka tahriibka, degelka inaan nacay, iyo in socod aan ahay, misna aan tahriib qorsheystay." Laba nin, oo weliba ka mid ahaa ragga aanu kooxda isugu sii dhowayn ayaa si hoose iigu sheegay inay iyana qorsheysteen inay baxaan. Labadaa nin waxay ahayeen Barkhad Rojo oo imika Yurub ku nool iyo Cabdiraxmaan Koronto oo Burco deggan Nin saddexaad oo asxaabtii xaafadda ah oo Khaalid loo yaqaanay, Yurubna deggan baa isna nagu soo biray. Sidaasi ayaanu afar nin ku noqonay. Safarkii ayaanu qabeyntiisa galnay, oo sidaa ayaanu ku bilownay socodkii; kaddib markii aan ku qanciyay inaanu lugta maalno. Hargeysa ayaanu habeen ku nagaanay, subaxiina kasii raacnay basaska Galbeed u baxa. Duleedka Gebilay ayaanu kaga degnay baaburkii, oo halkaasi ayaa socodkii lugtu nooga bilaabmay. Wajaale ayaanu dhanka Koonfureed lug kaga baxnay, una jihaysannay Jigjiga oo kor aanu kaga iman doonno. Dhulka hadhuudh ayaa ka wada beeran, bahallo Waraabayaal aanu ka aqoonsanay ayaanu dhex maasheynaynaa. Sidoo kale, rafaadka waxa noo dheeraa roob. Kabihii ayaa naga wada go'ay, dharkayagu dhiiqo ayay isku beddeleen. Afar Caano-maal oo socod ah kaddib ayaanu goor ammintu saq-dhexe tahay dul istaagnay Jigjiga oo aanu dusha kaga nimi. Laydhkii iyo iftiinkii magaalada ee dusha sare nooga muuqday baana maabkii wadiiqada naga qasay, oo na habaabiyay. Waxaanu dhexdayadii isku qabsanay: aynu caawa duleedka magaalada seexanno, oo subaxa dhaafno, si aan bandowga habeenkii naloogu qaban, iyo dharkeenna wasakhda iyo dhooqada miidhan ahbaa ina fashilaysee aynu caawa dhaafno," - halkii ayaanu seexanay intaanu madaxa iswada gelinnay. Bahal aan waraabe ahayn, oo cod anfariir leh ayaa agtayada ka ciyay. Labo naga mid ahbaa codka ku sasay oo yaacay. Jiingad ciidan degganayeen ayay dul istaageen, kaddibna dib uga soo noqdeen. Markii labaad ee bahalkii cida anfariirka leh dhawaaqayay ayay aniga iyo ninkii kale kiciyeen. Aniga oo dhalalawsan ayay i dul geeyeen jiingaddii ay markii hore soo arkeen. Haddii midkaayo ama qaar naga mid ah la qabto inaan la isku joojin ayaa xeer noo ahayd. Jingaddii ayaan daf idhi, saa askar ayaa ku qayilaysaba. Markaan arkay inaan ku jiro, si aanay saaxibaday iiga yaacin, keligayna loo qaban waxaan idhi: "meel aanu seexanno na siiya, niman socoto ahbaanu nahee, soo soco ayay i yidhaahdeen," anna saddexdii debadda taagnaa ee ila socday ayaan ku idhi: "soo socda" si shabaqa aanu ugu wada dhacno.
Waa nala qabtay, oo habeenkii waxa nala geeyay jiingad yar oo dawladda hoose ee Jigjiga ku dhex taalay, kaddib dhawr qabaley saldhigyadooda; oo aan ka xasuusto qabaleyga Lixaad ayaa marba mid naloo wareejiyay. Saldhigyo ma ahayne, maalintii xabsi ayay ahayeen, caweyskii iyo habeenkiina baarar lagu caweeyo, oo lagu tunto ayay isku beddeli jireen. Dhallinyarada qabaleeyadaasi deggan ayaa rag iyo dumar ku bun sameysan jiray, kaddibna sameecado ka dhex daaran jiray, oo halkaasi ayaa marna labo-labo laabta la isku gelin jiray marna la wada ciyaari jiray, oo salaada subax laga dareeri jiray. Maadama barxadda nalugu hayay, oo qolalka aan nalugu xidhin barbaarta ayaanu la caweyn jirnay. Ugu danbeyn qolalka ayaa nalagu tuuray, kaddib markii mid orom ah, oo habaar qabaa saldhigii ka baxsaday - qiyaasti iyana waa fakanayaan ayaa la is yidhi. Sidaasaa caweyskii ( reer Burco Jaqaf ayay u yaqanaan e) nalooga xarrimay. Sidii naloo lahaa Berri ayaa la idin celinayaa waxa dalaq nala siiyay saldhiga dhexe ee Jigjiga. Muddo bil ahbaanu halkaa ku jirnay, oo baadhitaan nalugu waday. Xabsigani wuxuu noqday guri aanu ugu kibirno sida aanu doonno. Maxaabista kibirka badan ayaanu ku cawaandiyoon jirnay. Awood iyo difaac adag ayaanu isku haleynaynay oo dhabarka ku haynay. Ciddaa aanu isku haleynta ka haysanay wuxuu ahaa xoog weyne reer Jigjiga ah, oo laga baqo, Jigjigana ka danbaaba oo nala xidhnaa. Ciidaanka Federaalka, Liyuu Booliska iyo shacabkuba waa ka cabsan jireen oo laguma dhici jirin. Ninkaasi oo Najax la odhan jiray ayaa nagu yidhi: " waxaad doontaan sameeya, dadka isugu taga, oo qofkii idinka awood weynaada aniga igu fasaxa." Ninkaa abaal weyn ayaan u hayaa, isaga iyo maayirkii wakhtigaa ee magaalada Jigjiga oo magaciisa anaan aqoon.
Maamulkii iyo ciidanku waxay noo haysteen Jabhaddii iyo argagixo. Waa rumeysan la'aayeen dhallaan sidaa u da'a yari inay tahriibayeen, oo Gebilay illa Jigjiga lug ay ku yimaadeen, sidaana wax u fahmsanyihiin, dhulkana u kala garanayeen. Dhawr mar oo ay na wareysteen kaddib waxaanu ku nidhi si wadar ah "yaan nala celin, Jigjiga ayaanu joogaynaa, ciidan kaba na qora iwm. Bil iyo toban cisho kaddib waa nasoo masaafuriyeen, oo annaga iyo nin kale oo tahriibe ahaa ayaa ciidan na keeneen Wajaale. Ninkani, oo naga weynaa, lacagna ku jeenaqaarnaa dib ayuu askartii ula noqday, oo laaluush ayuu adeegsaday. Ninkaasi wuxuu ka mid ahaa dhawrkii qof ee ka badbaaday Markabkii weynaa ee Masar intuu ka baxay ku dhowaad 500 ee soomaalida ahi ku qarqoomeen. Telefiishanka HCTV ayaan ka halacsaday wakhtigaa aragtidiisa.
Safarkii koobaad markii uu fashil kusoo idlaaday 10 bilood kaddib ayaan haddana mar labaad tahriib isu diyaariyay. Markani aniga iyo nin Barkhad la yidhaa oo safarkii horena aanu wada soconay ayaa ku tashanay in aanu ku celinno mar kale. Isagu wuxuu doortay; inuu maro dhanka Bosaaso, uga gudbo Yemen oo halkaa Libiya ka dactuuro. Anna waxaan go'aansaday; inaan markan Mukhalas raadsado, oo Itoobiya maro. Markanna Wajaale ayaa la igu qabtay. Mid aanu wada sidanay Kaadh isku mid ah, oo Hargeysa aanu iska soo raacnay ayaa na fashilay oo la fahmay. 30 Caano-maal ayaanu kasoo laacnay saldhigyada dawlad deegaanka iyo Soomaaliland. Weliba indhacadeyskayga aniga waxaaba la igu eedeyay inaan Magafe ahay, oo ninka kale aan tahriibinayay.
Safarkaa ama fashilkaa markii labaad kaddib gebi ahaanba waxaan ka tashtay inaan dib u tahriibo. Sababta taasi aan u doortay ma ahayn danaanin naftayda ah ama ogaansho dhibta tahriibka ah; waxay ahayd ogaanshiyaha xanuunkii iyo dhibtii intaan labada safar ahaa ay muteen labada qof ee koonka aan u jeclaa, una jeclahay. Markii labaad ee la isoo qabto ayaa waxaa ii sheekayay mid ka mid ah asxaabtii aanu wakhtigaa isugu dhowayn, oo faamlina aanu ahayn. Wuxuu iiga warramay rafaadka ay raadintayda u galeen Ayeeyday oo ah qofka koobaad ee bashar la arko aan u jeclahay, iyo Hooyaday oo kaalinta labaad iigu jirta. Wuxuu iigu daray in hurdo ay isdaayeen, ilmaduna wajigooda hibiqlayn jirtay, oo ayba xanuusteen. Wareeg iyo rafaadna u dhamaa intii warkayga la la'aa. Maalintaasi ayaan go'aan ka qaaday waalidkay dartood. Tahriibka uun maaha, labaadaa jacayl ee kor aan ku xusay kumaanyaal wax ayaan dartood uga tanaasulay; si naxdinta ay naxaan u waxyeelayn xaaladdooda caafimaad.
Gebagabadii, ninkaygii nolosha Yurub sidaa u jeclaa maanta haddii Baasboor ama Fiisa degganaansho bilaash ah aan ka heli lahaa, dalxiis wax dhaafsan uma tageen. Dhawr jeer ayaaba fursado ku noolaansho aan ka helay oo iska diiday saddexdii sanno ee u danbeyaay. Sidoo kale, wax badan igama soo marin dariiqaa tahriibku. Waxa tahriib yahay waxaa si dhab ah dhibteeda u dareensan kuwa Yurub galay, saxaraha maray, ee badweynta ku dhibtooday. Runtii, nolol qaracan ah, nabar ay ka bogsoon la'ayihiin, iyo mahadho xasuustooda ka go'i la ayay soo mareen, waxaana ku duugaan sheekoyin cibroqaadasho mudan.
Tobbanguuradii ayay ku beegantahay milaygani 2025. Toban sanno kaddib Kama qoomameynayo, bal e, Rabbi waxaan ugu mahadnaqaa in Yurub iyo Qurbe uu iga madoobeeyay, jacayl aan xad lahayna dhulkayga iigu beeray.
Dhulkaaga lagu hodmaa
Hadhkiisaa lagu nastaa
Halkaasaa lagu dagaa.
Comments
Post a Comment