Xaaladda dhaqaale xumo ee Laanta ka jirta iyo sixirbararka xadhkaha goostay. Halkii xukumadda Ina Biixi ay qaadi lahayd talaabooyin dhiig joojin ah, cashuur dhaaf iyo go'aamo xal u noqon kara sixirbararka jira, waxay ka doorbidday hanti uruursi, maaddama calankoodii iyo waayahoodii gabaabsi yahay, oo taliskoodii bar-dhammaadkii uu kulaalayo. Meelahay bartilmaansadeen si hanti iyo maal uga helaan waxa ka mid ah;
Xaraashka dhulka danta guud. Laynka bilayska iyo goobo dhawr ah ayaa shiishku u saaranyahay
Kordhinta cashuuraha shiidalka, shixnadaha dekedda berbera kasoo dega iyo makhaayadaha laga cunteeyo. Ma ogtihiin in hudheeladda cuntada, nafar bariis ah haddii laga dalbado, in lagu amray xaddi dhan 10% oo cashuur ah in lagu dallaco macaamisha iyo dalbadaha. talaabooyinkan ayaa khatar ku ah suuqa, waxana ka dhalanaya in sixirbararku cirka isku sii shareero. Jeer cidna tahli kari weydo inay wax iibsadaan.
Comments
Post a Comment