Skip to main content

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, geelow dhaqasho. 


Kal deyr barwaaqo ah iyo maalin Ciid ahbaan ku dhashay dhulka loo yaqaan Hawd and Reserve Area; tuulo ka mid ah oo "Habuura" la yidhaa- waxay hoos tagtaa gobolka Jarar ee Dawlad deegaanka soomaaliyeed. KHadar, Iid, Maxamed iyo magacyo la mid ahbaa dharaarta ehelku mid walba soo jeediyay in la igu samiyo. Maxamed-Khadar baa ugu danbeyn la iigu wanqalay. Ku dhowaad soddon sanno kadib dhalashadayda, weli deegaankii xudduntaydu ku duugnayd iyo deegaankii dhaxalkii awoowayaashay ahaa gumeysi buu ku jiraa, Itoobiyaan ayuu gacanta ugu jiraa oo xoog ku haysta. Waayihii dhallaanimo, riyo, hadaf iyo hiigsi waxaa ii ahaa markaan shan iyo labatan sanno jirsado, wixii ka danbeeya kaalin iyo door lexaad leh inaan ku yeesho, oo xoog iyo dagaal ama xeelaad kii dan iyo xal aan u arko, inaan hoggaan, hormuud iyo badhbilow ka noqdo xornimo raadinta dhulkaa Itoobiya iga haysato; haddii aanay imaan intaa duruuf si dabiici ah u bedesha gumeystuhu. Guyaal gangoonsan ayaan ka gudbay durbaba gu'gii Shan iyo Labaatanaad, misna sidaan u lahaa gu'gan, gu'ga xiga ayaa gadhkii hamash i noqday. Riyadaa dhallaanimo ee maskaxdayda iyo buugaagta xasuusqorkayga ku dhitaysanayd dalluun dheer bay iga riday. Wuxuuna noqday Jid dheer oo mugdi badan, misna mabda'a iyo aragti aan lahaa baan ayaan-darradayda ku dhowahay inaan ku fashilmo ama ka tanaasulo. Inaan is dhiibo oo iska noolado, wedkuna ii yimaaddo anoo guul dareystay baa cimrigaygu ku sii siqayaa. Waan is ciilkaanbinayaa, oo sannadihii u danbeeyay sababtaa ayaan uga cadhooda tirsiga sannadka iyo da'a aan jiro. Waayo, wey i xanuujisaa oo boog igu taal iyo nabar aan ka socon la'ahay ayay igu tahay. Qalbigayga dhaawacbay ku reebtay, waxaana ii sawirma fashilka aragtidayda ku dhacay. Xaggaa aragtaye bal xag kale aan ula leexdo fashilka tagtadii iyo noloshayda.


Afar bilood ka hor, Sannadguuradii labaad ee dhalashayda ayaa la isoo wareejiyay Burco- Burco oo markaas uun dib loogu soo noqonayay, kadib markii laga qaxay magaalada oo dagaal sokeeye ka qarxay. Ayeeyday Hooyo ayaa isoo kaxeysatay oo aan ubad u ahaa, guriga qofkii u yaraa baan noqday. Burco ayaan ku hanaqaaday, ku kacaamay, waxna ku bartay. Sidaa ayaan ayeeyo koris ku noqday. Nolol la i koolkoolinayo ayaan galay, abtiyaashay, habaryarahay iyo Ayeeyo ayaa u hagar baxay korriimadayda, barbaarintayda, dhisidda iyo qaabeynta qofkaan noqon doono mustaqbalka. Markii aan koray, korriimadayda iyo barbaarintayda waxa halkii kasii waday Hooyo iyo Aabbe, oo gurigooda ayaa la i wareejiyay. Nin laba guri leh, oo laba qol iyo labo sariir ku dhex leh labada guri baan noqday, marba mid kii aan doono ayaan u hurdo tagi jiray. Sidaas baan kusoo koray illaa sagaal iyo toban jirkaygii aan uga gudbay nolol iskorisnimo, hayaan kale oo nololeed iyo safar waxbarasho. Inkastoo sidii ugu wacneyd ee qof loo koriyo, naxariis, dabacsani iyo jacayl la iigu soo koriyay intii waalidkay gacanta igu hayey, balse kama badbaadin nolosha soomaalidu sebankan ku sugantahay, waareerka nolosheenna iyo xaaladaha nafsiga ah ee bulshada; si gaar ah dhalinyarada. Soomaali uunban ahay, soomaaliga xagjirka ku ah aragtiyaha iyo maba'adiida ay aaminsanyihiin, kadibna noqda dhambaalo guuldarrada ku idlaada. Soomaalida sharaxaadda aan u baahneyn, ee dhan walba ka burburtay iyo Soomaalilaanta dadkeeda iyo deegaankeedu noloshaa aynu aragno ku suganyihiin baan ka mid ahay dhalinyaradeeda. Markastoo cimrigaygaa iska ordaaya aan xasuusto, waxaan si hoose isku weydiiya: cimrigaa aad jirtid maxaad xaqiijisay? Waa waxba, si kastoo aqoon iyo waayo-aragnimo aan ugu hubeysanahay, oo baaraarug iyo wacyi korran aan u helay. Sannadguurada 30-ka ayaan kaabiga u saaranahay, oo keliya dhawr sano ayaa iga xiga- iyadoo naftayda anan wax tarin, misna surin-dheer-ka-dhaanshe iyo daneyste noqon kari waayey, oo noloshaydii gaarka ahayd ma raacan. Tii guud ee aan u golangolay; naftaydana ka doorbiday ee dalkayga iyo dadkaygana wax kuma soo kordhin, oo qadiyad nololeedkii aan u taagna ayaan ku dhowahay inaan si dhab ah uga tanaasulo ama ugu fashilmo. 


Qoraalkaani waa goljilicdayda iyo xaaladda nafsiyadeed ee aan ku noolahay. May e, waa debaaldegga maalinta dhalashadayda iyo hawaale-warran. Wixii ay tahayba, sannadguurada sannadka danbe ee dhalashadayda ka hor waa inaan damiir ahaan isdilaa ama shaqsiyadayda lumiyaa; jiiraalkaygana ka tanaasulaa, si aanan dib u dareemin xanuun nafsiyadeed; si aanan u gelin xisaab marwalboo sannad idlaado, lasoo hadalqaado da'ada ama ay ku astaysantahay xuska dhalashadayda. Waa inaan daneyste noqdo, oo qaataa talooyinka saaxiibo dhowr ahi i siiyeen waayo iyo wakhtiyo kala geddisanaa- mid dharaar hore uu i siiyay saaxiibkay Nuur Xaashi ha ugu miisaan cuslaatee. Waa inaan dabaqaa odhaahda laga soo weriyay Jalaaludiin Ruumi ee ah "Shalay waxa aan ahaa xariif; waxa aan doonayay in aan dunida beddelo. Maanta waxa aan ahay caaqil; laakiin, waxa aan doonayaa in aan naftayda keliya beddelo." Dhibaatooyinka nololeed ee ay bulshadaydu la daala-dhacayso iyo xaaladda iyo qisooyinka dhiilada xanbaarsan ee dhalinyarada dalkaygu la harjadayaan, ee maalmahayga xumeeya, ina murjisa markaan maqlo ama arko. irbad suuxiso waa inan iskaga mudaa. Haddii taas aan awoodi waayo " Ilaahoow i waal ama naftaada iga qaado", idinna Eebbe inuu xuska iga qaado igu duceeya, illeen anaa tashan waayee. 


Gunnaanadkii, gugan naftayda odhanmaayo dhalasho wanaagsan, balse waxaan leeyahay tanaasul iyo isdhiib giraanta kusoo idlee ama gacan si u gaabsataa geed ma goysee; sannadkaa maanta ah intaad gaawaha buuxsato galbo, oo garnaylkii olola geddii u guuree. Si kale maleh! May, may, waxba yaanan been sheegin, sannadkan lagu jiro iima qorsheysna inaan go'aan kale qaato. Sababtoo ah, ujeedkii iyo yoolkii dalka dib igu soo celisay weli kama libin keenin. Dhiidhi iyo gaylan ka gudubsan kaalinta qofeed, una tallowsan doorka wadareed oo hadhaadiga dalkayga lagaga badbaadinayo fashilka iyo tala xumada Kulmiye iyo Muuse ayaa imika hadaf iyo hammi ii ah. Dooraashada madaxtooyada kadib baan labada go'aan midkood qaadan doonaa.

Comments

Popular posts from this blog

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...