Skip to main content

Maalinka dhalashadayda iyo sannad guuro dib u dhalasho …….

20-kii eybral/April, maalintii la i ballaysimay sannadguuradeedii ayay ku beeganatahay. Hayeeshee, sidii ruux hilaaddii tagtay indhaha walac ka siiyay baan ammintani gu'gii koobaad ee dib-u-dhalashadayda u dabbaaldegayaa. Dabshidkii galbaday irbaddii suuxisada ahayd ee aan isaga muday wax walba; inkastoo urugo iyo uur-ku-taallo ay lahayd inaan jiraalkayga ka saaro doonistii is daba joogga ahayd ee danta guud iyo halganka wadareed waa ku guuleystay. Waan qabatimay oo is dooriyay si dhammeystiran. inaan sidaa uga doogay ama Geel wabax ah oo ka daatay xeradiisa si la mid ah timaaddada ama gu'yaal doora kaddib inay noqoto wakhtiga ayaan u deyn. 


2 sanno horteed haddii aan sidani ku cataabayay: https://moadaani.blogspot.com/2024/05/april-20-2024-dhalashadayda-xus-xasuus.html 


Misna kalkii hore aan isku dardaar werinayay tabtani: 

https://moadaani.blogspot.com/2025/04/20-ka-abriil-sannadguuro-dhalasho-jab.html 


Sannadkaani sedkiisu ii buuxsamay ku noolanshiyaha nolol qofeed ayaan magan u noqday, inkastoo ay weli agtayda ka tahay nolol dhalanteed/dhaan-dabaggaalle ah. Ase kuma hungoobin dawgaa doorashadeyda iyo geeddi-socodka noloshu igu leexiyeen. Laga soo bilaabo diraacdii doorkii hore illaa seermaweydadani waxaan daareemayaa ku dhex naalloodka iyo ku daansha-daanshoodka nolol deggan oo degganaan xambaarsan, mid bilaa meehannoow, caalwaa ama qoomamo ah. 


Ugu danbeyn, sannad aan qalbigayga ka adkaaday ayuu iigu suntanyahay sannadkani. Waa wax aan haybinayay in ka badan dhawr iyo toban sanno. 


Aan naftayda ku idhaahdo dhalasho wacan. 



Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...