Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2021

Mo adani | sanadka 2022

  3 65 Maalmood Tagto iyo Timaado  Maalmo kooban  aya inaga xiga in 2021 uu god galo; waxa aynu galaynna qaban-qaabada, qorshayaasha iyo bud-dhiga  yoolasha aynu ku wajihi lahayn 2022. 2021-kii galbay, waxa aynu ku macasalamaynaynaa khibradihii iyo waayo-aragnnimaddii aynu 365 kaas maalmood ee tagay ka dhaxalnay. Hilaada 2022 kana waxa aynu kusoo dhawaynaynaa niyad-sami, qorshayaal, hiddidiilo, hammi sare, ahdaaf iyo doonis ka mug weyn kana miisaan culus shalay. Sannadka 2021 labbada weji ee noloshu koobsatayba wuu i tusay, misna marar badan wuu isku kay qaawiyay, oo dhabarka ayuu ii jeediyay, waxana uu iigu sidkanaa dharaaro adag, isku buuq ay weheliyaan ammin aan wanaagsanayn, walbahaar, welwel iyo murugo ayaanu mararka qaar ii qariyay. Waxa aan ku wajahay oo  kaga soo gudbay calool adayg, wakiilasho alle,  samir iyo dhiiri gelin, dhanka kale wuxuu igu simay oo uu lammane iga dhigay  dharaaro  farxadeed iyo bilo qurxoon oo rejooyin iyo himmilooy...

Maqaal | Abaaraha Soomaaliya

  J iilaalkii wuu daba dheeraaday, roobna 2 sano ma di’in. Dhulkii wuu nabaad guuray, dugaagii daayoo dadkii baa haraad iyo gaajo u dhimanaya. Boqor jiray wakhti wakhtiyada ka mid ah oo dadka u arimin jiray ayaa talo ku soo jeediyay in foosto weyn ladhigo bartamaha magaaladda qofkastaana uu koob caano ah ku shubo, isagoo kaligiis ah cid kalana aysan arkayn weliba xili habayn ah. Taladdii boqorka la qaaday, gabalkiina dhac. Habeenku waa gudcur, iftiin kale majiro, qofkasta oo magaalada joogay koobkiisii ayuu soo buuxsaday si uu fuustada ugu shubo oo taladdii Boqorka u fuliyo. Cadceedu sidii caadadu ahayd bari ka soo muuqatay, qofkastaana how-lmaalmeedkiisii caadiga u ahaa u tafa xayday. Boqorkii magaalada isaga howl kale ayaa u soo baxday oo ka duwan tiisii joogtada u ahayd. Kormeer ayuu ugu soo kicitimay Fuustadii si’ uu u hubiyo wixii ka dhaqan-galay wareegtadii shalay uu soo saaray. Layaab iyo Amakaag badanaa !! Fuustadii biyo ayaa afka jooga, wareegtadii shalay soo baxdayna dadk...