Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2025

Silsiladda safarkayga : Yurub ama Yaxaaska, Geeri ama Guusha nololeed. Jeelka dhexe ee Jigjiga iyo Tobanguuradii.....................

Burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya; 1980-meeyadii iyo horraantii 1990-meeyadii ayaa tahriibka sharci-darrada ah iyo qaxu si xoogleh Soomaali ugu bilaabmay, se tahriibka casriga ah ee dhalinyarada — oo ah mid ay dadku si iskood ah u tahriibaan iyagoo nolol fiican raadinaya —wuxuu xoogaystay qarnigii 21-aad, gaar ahaan 2000-meeyadii iyo 2010-meeyadii. Jidka ugu caansan wuxuu noqday midka badda Mediterranean-ka mara, iyadoo safar halis ah lagu sii marayo dhulka Saxaraha si ay u gaaraan Libya iyo kaddib Yurub. Jiilka ugu badan ee hayaamay, ama ku le'eday jidkaasina waxay noqdeen dhallinyarada aanu isku ayniga iyo kacaanka ahayn. 2014 illaa 2017 Waa Markii tahriibku qof walba oo dhallinyaro ah uu u ahaa riyada — riyo uun ma ahayne jidka keliya ee loo arkayay in nolol lagu heli karo ayay ahayd. Tahriibka wuxuu noqday wax la bogaadiyo, qofkii tahriiba, keddibna Yurub galaa wuxuu noqday qof la amaano, taasoo dhalisay cadaadis bulsho oo ku qasbay dhalinyaro badan inay raacaan waddada tahri...