Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2022

MAXAY MUHIIM UGU YIHIIN GOOBAHA WAXBARASHADA BANDHIG DHAQAMEEDYADA/HEESAHA, BANDHIG CIYAAREEDYADA, BANDHIG CILMIYEEDYADA, BANDHIG DIIMEEDKA IYO KUWA LA HAL-MAALAA ?

  Bandhigyadan goobaha waxbarashada ee aan kor ku xusay dunida idilkood way ka simanyihiin oo waan ku arkay marka Soomaalida oo aan xaga danbe kaga hadli doono laga reebo, dal walba waxa uu leeyahay todobaadyo gaar ah oo min iskuulada illa jaamacadahu ay qabsadan barnaamijyada noocan ah .  Bandhigyada noocan ah ee goobaha waxbarashadu waxa ay kor u qaadaan wacyiga iyo heerka shucuur iyo farxadeed ee ardayda waxa ayna tusaan waxoogaa isbedel ah oo ku yiimaadda meertada nololeed ee Ardayga ee ka koobaan soo kac, wax cun, fasal xaaddir, wax akhri/ diyaari, seexo kadibna maalin walba intaa ku cel-celi.  Maalmahaas Ardaydu waxa ay dareemaan udgoonka shaqada adag, kuwa abaabulaya ee hormoodka u ah ilaa kuwa daawaadayaasha ah. Sidoo kale kacaankaa wax baranayaa goobahaa waxa ay kusoo bandhigaan hibooyinkooda, waxa ay ku ficaanyihiin, waxa ayna ardaydu ku bartaan sida bulsho dhan hortooda looga hadli karo waxna looga soo jeedin karo, waxa ay kobciyaan garaadka, oo waxa lagu so...