Si kaftan iyo dhalinyaranimo ah ayaan noloshaada ku soo galay, habeenkii koobaad si fiican ayaan u xasuustaa. Kulankeenna waxa sabab u ahaa saxiibkay. Habeenka waxa aan u soo raacay in aan ka maaweeliyo adiga, si aadan carqalad ugu noqon isaga iyo saaxiibtaa Cosob oo haasaawe iyo xidhiidh markaa uun hano qaaday ka dhexeyay, haa keliya in aan kaa jeediyo oo kaa mashquuliyo qalbiyada isku xiisaha qaba ee aad saddexeeyaha ku noqonaysid ayaan usoo lebistay oo quraaradda cadarka ah iskugu soo jabiyay. Si fiican uma sixi karo wixii aad marba meherad ka raadinayseen markii aanu idiin nimi, balse waxa aan filayaa in habeenka adiga iyo Cosob aad usoo baxdeen adeeg/shopping dumar, si suuqa aad uga soo dukamaysataan. Fiidkii annaga oo isku diyaarinayna caweys aanu lahayn, misna markaa ka soo baxnay alaamiito kubbadeed. Saaxiibkay Axmed ayay soo wacday Cosob oo ugu bishaareysay in caawa iyada iyo saaxiibteed ay suuqa usoo baxeen. Ma xasuusataa in ay ka codsatay in ay kulmaan, si ay wakhti u wada qaatan. Haa waan hubaa inaad si fiican u xasuusatid. Sidaa sow ma aha? Sidii qoyskeedu u ilaalin jiray ee ay mar la aragta u ahayd Cosob sow ma sii xasuusatid. haa waad xasuusata oo adiguba sidii ay u adkeyd xaafaddiinna in aad ka soo baxdo iyo dhibta aad ka mari jirtay habeenka aynu ballanno ayaan garanayaa.
Dharaaro ka dib markii aan arkay sidaad iigu jeellantahay ee barashadaydu micne kuugu sameysay, ileen dumarbaad u ahayd qarsashada darreenadee, waanigii ku dareemay ee kuu soo bandhigay xidhiidh iyo haasaawe inaynu wadaagno. Dalab afkayga ka yimi, balse qalbigaagu doonayay ayuu ahaa. Jacaylka aragtidii koobaad ku saaqay adiga, aniga wakhti lumis iyo maaweelo ayuu dhankayga ka ahaa. Waayo Jacayl, nafsi, khiyaano iyo haasawe waxaan u aqaanay sheeko baralay.
Afar sanno oo aynu wada soconay marna waxaan xidhiidhka kuugu jarayay, marna kuu soo celinayay ma ahayn doonis iyo rejo aan kaa lahaa. se marka aad i deyn weydid, een arko sida jacaylka aad ii qabtaa hiddaaddu u hilatay ayaan kuu calool jilcaa oo is idhaa niyada u dhis, illaa inta ay dareemayso in aadan hilow iyo muhasho midna u hayn. Muddaddaa aynu wada soconay, may aad naawilaysay in maalin uun qofkaad doonaysid aan kuu noqdo oo kula fahmo hammuunta aad ii qabto. Anigu waxaan ka shaqeynayay sidii aan isku kaa nacsiin lahaa. Dhacdo kastoo fool xun oo aan sameyn jiray ama kugu odhaan jiray waxay iga ahayd "is nacsi ha kaa hadhee". Inaad igu nacdo daaye, waabad igu sii jeclaanaysay, gef iyo dhib kasta oo aan kugu sameeyo.
Sidii aan doonayay watii dhacday markii aan sii wedi kari waayay jilliinka beenta ah. Waanigii sida rasmiga ah kuu jaray ee meel walboo aad iga soo xidhiidhisid kaa xannibay. I deysay oo mooday inaad sidaa igu ilowday. Waayaha iyo wakhtigu waxay is guraan, 6 sanno kadib waannagii si kedis ah u kulannay Saaxibaddaa Cosob oo meel Carwo ah dhexdeeda Caruur daa-deheynaysa. Bariido iyo salaan asxaab kala baadiyowday kadib ayaan si kaftan ah kuu weydiiyay oo ku idhi " waan arkaa, Oori Sey iyo Carruur leh ayaad noqotay adigu ee rafiiqaagii nolosha, saaxibtaa Cugan calafkeedii ma heshay oo nolosha ma ku xasishay, halkee ayay se ku danbeysay". Jawaabtii koobaad ee afkeeda ka soo baxda markii ay i tidhi " maalintii aan ku soo wacay, misna Cugan xaaladdeedda iyo dhibta ay dartaa ugu jirtay aan damcay inaan kaaga warramo, sow intaad i canaanatay imaad block-gareyn", ereyadaa ayaa tuhun iyo cabsi igu abuuray. Ayaantaa Cosob damacday inay Cugan qisadeedda iiga sheekayso ayaan si ula kac ah u buufiyay, sababtuna waxay ahayd inaan diiddanaa inay ina dhexdhexaadiso oo waan-waan ay gasho. Damiir iyo dadnimaba beelaye, miyaan warka iyo dhiilladda ay sidday subaxaa sugo oo dhugmo u yeesho. Cosob ereyadaa markii ay i tidhi ayay damacday inay iska dhaqaaqdo, laakiin darafka inta aan qabsaday ayaan cabaad iyo catow isku daray, wixii hadal aan shubayay waxaan ka xasuustaa in aan lahaa " Fadlan, wax ii sheeg, Cugan ma nooshahay, waan ku baryaaya ee ha i odhan way iilatay oo dartay ayay dunida uga safartay, wax ii sheeg Cosob". Dhawr daqiiqad oo ilmadu labadayada dhaban ka hoortay kadib ayay iigu warcelisay " ma dhiman oo way nooshahay, laakiin adiga dartaa ayay mustaqbalkeedi iyo nolosheedii danbe u seegtay, wax kasta adiga dartaa ayay u lumisay ee ina fadhiisi meel si aan sheekadeeda kuugu dhammeystiro".
Caweyskii aan maaweelintaada u soo holladay, ee heeddaaddu i raacday haddii aan sii ogaan lahaa in uu sabab u noqonayo noloshaada danbe dhantaalkii ku yimi, kuma barteen oo ammintaa qaddarta waan baajin lahaa, laakiin Ina-adam ayaan ahay, qaddarta wixii dhacaya ma ogaan karin, mana baajin karayn is barashadeenna iyo xidhiidhkii beenta ahaa een kugu hoday. Dartay ina rag inaad u nacday, haasawe danbena dabaday micne kuu sameyn waayay, misna aad go'aan ku gaadhay in nolosha aanad cid danbe la wadaagin, waxbarashadii dartay aad uga hadhay. In dibindaabyadii iyo qalbi-jabkii aan ku baday sannaddo aad dhulyaal u ahayd oo illaa maanta aanad kasoo kaban. Magaaladii aynu isku baranay ee duruufta iyo hayaanka nololeed aan uga safray inaad ka haajirtay, kuna noolan kari weyday. Ninkii ugu horeeyay uguna danbeeyay ee aad darreen iyo rabitaan u qaaday inaan ahaa Cosob wey ii sheegtay.
Imika waan koray oo bislaaday, ma ihi moogihii shalay jilliinka iyo riwaayadda u haystay nolosha shukaansiga. waan kala bartay jacaylka, nafsiga, micnaha iyo ujeedka nolosha. Markii aan qisadaadda ogaaday Xinniinyo iyo ragganimo aan cafis kaaga dalbado oo kugula soo xidhiidho waan waayay. Xaqba uma lihi inaad i cafisee. Waxaan jeclaa rafaadkii iyo silicii aan ku baday inaan maanta kuugu beddelo koolkoolintii, Jacaylkii iyo xurmayntii aad hore iiga weydey. Taasna waxan dareensanahay in xaq anan u lahayn maanta. Runtii, mar kasta oo aan damco inaan kusoo xidhiidhiyo ama kaa soo war doono waxa i dabra cabsida aan ka baqayo xasuuso inay kugu soo mirkacaan oo mugdi kale aad gashid. Cafis iyo Xidhiidh danbe midna Cugan kaama codsanayo oo ma istaahilo, balse haddii qoraalkaygani maalin uun kusoo gaadho fadlan iigu cudurdaar caydigii dhallinyarnimo. Adna mugdiga, huqda iyo hagardaamada adduunyo ku samir. Farxaddii iyo riyooyinkaagii aan kaa kala qoqobay ka dhabeyntooda dib u holo. Waan ogahay qof xun ayaan ahay, sideedaba noloshadana shaqsi gun ah looma beel-darreeyo.
Comments
Post a Comment