Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.
Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi inaad ogtahay, laakiin aniga iyo illaahayba waan ognahay sida aad dhankayga ugu weyntahay, kuu gaclooday ee u qorsheystay inaan kula wadaago nolol sareedo, iyo qaayo soor leh. Bilan oo hadimo oo dhan ka madhan. Rafiiqaan doortayeey, Cabdimajiid Baashe Maxamed (Tooxane) intaa uu ku maansooday ayaad iiga dhigantahay;
Kala miidhay dumarkee
Middaan doortay baad tahay
Mana sinna haweenkuye
Qof muhiim ahbaad tahay
Milgo ruux la siiyoo
La maamuso ayaad tahay
Muxibiyo jacayl badan
Loo muujiyo baad tahay
Ma huraan la dhawrtoo
Marwo laga dhigtaad tahay
Jeexaygiyeey;
aan isku dayo in aan helo wax aan kugu miisaamo, kula barbardhigo ama ku cabbiro jacaylka aan kuu qabo. Sidee? Raali ahow, uma maleynayo inay jiraan oo aan helayo. Waayo dheh; wax kasta oo aan ku agdhigo, misna kafad iyo miisaan kula saaro waad fuuqsataa. Keliya waxaan odhan karaa waxaad tahay qaybtaydii kalee aan raadinayay, si aan u dhameystirmo. May, aan idhaahdo: isu dhameystirno. Mar kale, aan idhaahdo waxaan ahay qof noloshiisa kuu hibeeyay.
Wehelkayga noloshaay, Guuleed Reygal Cawaale siduu tix ku yidhi;
Arwaaxdaadan dahabkaa
Ayaa ruuxdan doorkaa
Duni kale ku aragtoo
Dalbaad igula nooshahay
Kadahsoon makhluuqoo
Ku kulmaan dad kala fogi.
Caawa, aan isku dayo inaan kuu cabiro waxa laabtaydu mayracayso. Ooh, ereyada af-soomaaliga culus aad umaad fahmi jirin. Bilowga qoraalka illaa hadda waan iska ilaalinayay adeegsiga kelmadaha ad-adag ee fahamkoodu kugu adkaanayaan. Sababtoo ah qoraalkani inaad ku raaxeysatid, fahamtid oo nuxurkiisa dhadhaansatid, aniga oo marba erey aan kuu sharixin ayaan ugu talogalay. Sow imaad odhan jirin suuraha iyo adeegsiga ereyada macaan maxaa kaa habaaray, een een iyo wax la halmaala? Caweyskani waan kuu suuroonayaa. Inaan qalinka kuugu suuroodo ama cod laliyaha kaaga soo dhex suuroodo, adigu inoo kala door.
Aan kusoo gunnaanado oo dardaaran ahan kuugu dhaafo beyd ka mid ah heesaha aynu wada jirka u jeclayn;
Aqal labo deryaalaan rabaayood
xariir ku daahdaaye
Inaan daadihinno ubad baan rabaa kuna dadaalnaaye
Debcigaaga taa geli guurka waa lagu dawoobaaye!
Hobol Cawaale Aadan
Waan ku jeclahay gacallo.
Comments
Post a Comment