Waxaan ahay harag wixii ku jiray laga qaaday. Laakiin wali waan neefsanayaa — sabab aanan wali garan. Ma garanayo goorta ay igu bilaabmatay, mana hayo waqtiga saxda ah ee aan dareemay. Balse waxaan ogahay inaan hadda ahay hadh ka hadhay wixii aan ahaan jiray. Waxaan la noolahay daal aan jidhka keliya taaban, balse nafta qudheeda saameeyay.
Waxan ahay sida gidaar hoostiisa laga saaray tiirarkii hayey, se weli waan taaganahay, si aan dadka ugu muujiyo xoog, inkasta oo dumitaan aan ku dhowahay. Dadka qaar waxay u maleynayaan in daalkaygu yahay jidhka oo seexan la’ ama hawl culus oo i haysata. Laakiin aniga daalkaygu waa mid hurdo aan wax ka tari karin — daal ruuxeed, mid nafeed, mid igu furay su’aal aan weli jawaabteeda helin oo ah: “Haddii unugyadii tamarta la iga siibay, maxaan weli ku noolahay, ee u noolahay?”
Waxaan soo maray burbur — mid nololeed, mid siyaasadeed, mid dhaqan-tiran, iyo mid dadnnimo-tiran. Waan gubtay, kala go’ay, la i kala firdheeyay. Dagaallo aan dhammaanayn, colaad aan macno lahayn, iyo waayo aan waayo kale la mid ahayn ayaan goob joog u ahaa.
Waxaa i dul maray dowlado badan, kuwo sheegtay inay i dhisayaan, se hoos hoos ii burburiyay, iyo kuwo dhab ahaan si la arkayo ii dumiyay. Waxaa igu dul ciyaaray dano shisheeye, oo ay horboodayaan halbowlayaasha dhiiga qaada, iyo fayrus debadda iga soo weeraray.
Ammintani… ma ihi mid nool si buuxda, mana ihi mid dhintay si dhab ah. Waxaan u dhexeyaa laba xaaladood — rajo iyo rafaad, dib-u-curasho, iyo hadaf si dhameystiran u lumay. Weli waxaan sugayaa dharaartii aan dhab ahaan u odhan karo: "Waa maalintaydii! Waa maalintii aan si dhab ah u soo noolaaday."
Maalintii iftiinka xornnimadu hareerahayga shidday ee aan dhashay waxa laga joogaa 65 sano, oo 23 maalmood la'. Waa la iga daalay, aniguna waan iska daalay. Dunida deyro ayaan ka noqday. Waxaan arkay carruurtaydii oo tahriibtay, hooyooyinkay oo barakacay, culimadaydii oo aamusan, siyaasiyiintaydii oo aan mas’uuliyad lahayn, iyo dadweynahaygii oo daalay. Laakiin weli waan taaganahay.
Soomaali baan ahay. Waqti kasta oo mugdi ah, waxaa ii jira hal ilays — rejada jiilka cusub.
Iiwad!
Comments
Post a Comment