Warmoog Samaale waxba ma ogee, ma la socotaa..... || dhammaadka xukunka doollar-ka iyo gunnaanadka awoodda galbeedka ||
Warmoog Samaale waxba ma ogee, ma la socotaa..... || dhammaadka xukunka doollar-ka iyo gunnaanadka awoodda galbeedka ||
BRICS oo ah xarfaha u horreeya waddamadda Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Jaynaha iyo Koonfurta Afrika, oo ah kala badh dadka koonka ku nool ayaa ku bahoobay urur loogu wanqalay BRICS. Badhtamahii bishii Abriil, Alexander Babavov, Afhayeen ku xigeenka aqalka Baarlamaanka Ruushka ayaa warbaahinta ka sheegay in ay Waddankiisa, bahwadaagta cusub ee BRICS iyo waddamadda Afrika ay qorsheynayaan abuuridda Lacag cusub, oo suuqa ka saari doonta doollarka Maraykanka
Haddii hirgalinta lacagtaa waddamaddani isku raacan.
Bilawgii toddobaadkii hore shir ay koonfurta Afrika ku yeesheen waddamadaasi, waxay isbahaysigan ku darreen Arjantiin, isutagga imaaradaha Carabta, Sucuudiga, Itoobiya, Iiraan iyo Masar, magacii BRICS-na hadda kaddib waxa loo bedelay BRICS+. Haddii qorshahaasi hirgalo, oo waddamaddaa caanka ku ah wax soo saarka kala duwan iyo shiidaalku, misna isku afgartaan in lacag cusub oo digital ah ay sameystaan ama lacagahooda ay ku ganacsadaan. Doolarka iyo Galbeedka oo Maraykanku gadhwadeen u yahay waa u dhamataay. Ganacsiga, maalgashiga iyo lacagaha kaydka ahna dhankaa ayay u wareegi doomta. Taaso ka dhigan in Dalalka Addunka 70% ay ka guuri doonan adeegsiga Lacagta xoog weynta Maraykanka. Dollarkuna wuxuu noqon doonnaa lacag qiimo beesha oo la mid ah no
Dhanka aynu warmoogga ka nahay.
Deegaannada Soomaaliddu ganacsiga gudaha iyo dibbadaba waxa ay wax ku iibsadaan lacagta Dollarka, dhanka kale lacagaha u kaydsan Maamuulladda, Ganacsata iyo bulshaduba waa lacagta qalaad ee maraykanka. Suurayso bal jaalle, adeegsiga lacagtaa aynu sidaa u adeegsannaa haddii hal mar ay qiimo beesho. Dhaqalaheenna oo imikaba cago adag aan ku taagnayn halkee ku danbeyn doonaa? Ummad taxadka tagta ayaynu noqonaynaa. Maamulladda iyo Ganacsata Soomaaliyeed haddii qorshe la jaanqaada isbed-beddelka Addunku aanay la iman, Subax ayaynu soo kici doonnaa dhaqaalaheenn oo taxadka soo taabtay iyo inaga oo hoog iyo adhaxda jab dhex dabaalanayna.
Comments
Post a Comment