Skip to main content

Idiris Alteeso iyo xadhigiisa la werinayo. Bal adba!

 Muwaaddin Soomaali ah ,In dalkiisa dhexdiisa laga tarxiilaa Waa xadgudab iyo jalaafo weyn. Idris Alteeso saraakiil ayaa xayndaab iyo goof yar nagu ootay oo sidaas ayaa naga sal ah ee soomaalidda kale raali ha naga ahaato, inta aannu is xoraynayno. 

Labba dhacdo oo shaahid iyo marqaati aan ka ahaa, oo shalay iyo maanta kala dhacay.

 Wiil yar oo dhalinyaro balaashle ah, kana soo jeeda qoommiyadda Oromadda ayaa arbush iyo shiid/dhagaxayn la soo doontay meherad lagu qaxweeyo oo aan fadhiyay shalay. Mid ka mid ah shaqaalihii goobta ayaa kii yara buha-buheeyay oo jalaafo iyo dhirbaaxo iskugu daray, markii uu xakamaha diiday. Kii yaraa oo oynaya ayaa askari bilays ah oo goob ka ag dhow meheradda, ilaalo ka ah ilmadiisa iyo buuqa arkay. Markii dhawr weydimood uu askarigii wiilki yara ku turaay. Judhiiba kii dilay ayuu haliishay. Halka aan u socdo aan abbaaree, ereyaddii askarigaasi lahaa ee aan soo gocday waxa ka mid ahaa " xitaa haddii uu khaldannaa sidee u dhirbaxdaa dhulkiisii iyo calankiisii ayuu hoos hadhsanayaa". Kadib qof ag taagnaa aya ugu war-celiyay " waa Itoobiyan askari, meheraddanna waa u arbushay oo laga saari kari waayay, jeer uu dhagax ku shiiday meheradda iyo ninka shaqaalaha ahba". judhiiba askarigii wuxuu ugu warceliyay " cidna kama leh oo waa dhulkiisi, oo uu magan ku yahay". 

Dhacdada labbaad iyanna saaka ayay dhacday. Shaqsi Soomaali ah, isla markaanna Saxafi ah, difaaca dalkiisa iyo dadkiisanna geeri u mudan kara, ayaa Saaka si qasab iyo jujuub ah looga masaafuriyay dalkiisii Hooyo oo shaqsiyaad tiro yar sidii xerooyin geel u kala ood-ooteen.

Kii soomaaliga ahaa sidaa ayaa dhulkiisii loogu ugaadhsanayaa, oo looga tarxiilayaa, halka kii oromadda ahaa sidaa loo daryeelayo, heer la gaadhsiyay inuu dalkiisi joogo. Micnaa ku jira halkaa. Maxaanu gumownay !!

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...