Dunni arxan iyo naxariis aanay oollin, oo waalidkay iyo kuwii dad ii xigay daryeel iyo naxariis aan ka waayay"- Tani waa qisaddii iyo sheekaddii aan yaraantii soo maray.
Faisa, haa waa magacayga, ma aqaan ciddii ii bixisay iyo sidii uu iigu baxay midna. Hooyaday wax ay aabbahay u dhashay hal wiil, oo da,a ahaan iga weyn, kadib uurkayga ayay qaaday. Waxay jeclayd in aan noqdo gabadh, nasiib wanaag iyo nasiib xummo mid ay tahayba, waxa uurkaygu noqday dheddigii Hooyo ay jeclayd. Aabbahay kuma faraxsanayn inaan dunidda imaaddo, wax walba ayuu ku sameeyay hooyaday si aanan koonka cag usoo saarin, balse xaqiiqda ayaa ahayd in aan doonista ebbe ku badbaaday. Dhakhaatirtu waxay hooyaday ku yidhahdeen " naftaadu halis ayay ku gelaysaa ilmahan boggaaga barkan, oo ma dhali kartid"- hooyo aabbe ayay si saa'id ah ugu wallacday, waana ay jeclayd, isaguna dhabarka ayuu uga istaagi jiray, si ilmaha ay sidaa uu uga soo qubto.
Aabbo wax fiican muu samayn, Hooyadayna aad ayay uga baqday, maadama lagu qalay labba wiil oo hore, waxayna is tidhi xitaa haddii aad dhimanaysid hooyaddaa agteeda ku naf-bax. Hooyo wey soo baxday, oo Soomaaliya ayay timi, aabahayna way kala tageen. Ebbe galladdii, si silic iyo dhib la'aan ah ayaan u dhashay.
Hooyaday waxba ma haysan, misna aabbo ayay ku tidhi " igu biili ilmaha"- isna wuxuu ugu jawaabay " kuuma awooddo". Hooyo wiilkii ay aabbahay u dhashay, waxay u geysay ayeeyday aabbahayo dhashay, halka ay aniga iga dhaheen "anagu maanu dhalin".
Hooyaday markii ay Sucuudiga ka imanaysay, iyada oo uur leh, dadka oo idil way ogaayeen, aabbahayna wuu qabay, laakiin aabbahay wuxu yidhi " anigu ma dhalin gabadhaa, ee yaanay igu nabin". Hooyaday way isoo qaadatay, oo gurigii ayeeyday aabbo dhashay ayay i keentay, waxayna ku tidhi " cunugtiinna\ilmihiinna wax ha la igu siiyo oo ha la ila koriyo", iyaguna waxa ay ku yidhahdeen " qofkii kaa dhalay adiga ayaa og, ee naga hor wad". Aabbahay ayaa cajilad usoo duubay, isaga oo ku yidhi " ilmahaas ani ma dhalin"- isma dhiibin oo may niyad jabin hooyo, wax walbana way u sameysay, si ay u caddeyso in uu isagu i dhalay. Kadib dadkii deriska la ahaa ayeeyday aabbahay dhashay, ayaa ku soo wada baxay buuqi, hooyo way diidday in ay ka hor tagto albaabkooda/irridoodda, iyada oo caddeynaysa in wiilkoodu uu i dhalay. Intaa kadib adeerkay, intuu xoog iiga qaaday hooyo oo ummul ah, ayuu damcay inuu meel qashin ah igu tuuro, balse dadkii deriska ahaa ayaa iga celiyay, kadib hooyo wey iska soo baxday, maadama arrinkii weynaaday, gurigii hooyadeed ayanay kusoo laabatay iyada oo niyad jabsan.
Sheekaddii wey weynaatay, Arrinkaygiina wuxuu noqday mid dadka oo dhan ay wada ogaadaan, Abtigay, hoyaday walaalkeed ayaa Qori soo qaatay, isaga oo saa'id u xanaaqsan, markii uu ogaaday arrinka. Wuxuuna rabay in uu dilo Adeerkay, si loo xalliyo arrinkaygii aad ayay u adkaatay, kadib ayeeyday walaalkeed oo Shiikh ahaa ayaa arrinkii galay, sidaa ayayna ku aqbaleen in ay i dhaleen, laakiin waxa ay diideen in ay wax igu siiyaan, kaddib waxa korintayda dhabarka u ritay isla Abbe abtigii. Abaal weyn ayaan u haya Siddeed billood oo uu wax i siinayay, isna hadda wuu dhintay.
Intaa kaddib, Hooyaday waxa ay tidhi Sucuudigii ayan ku noqonayaa, hooyadeed ayaa lacag u uruurisay, sidii ayay ku baxday hooyo, markaas ayaana iigu danbeysay, illaa aan kasoo gadhay siddeed sanno Ayeeyo ayaa isoo korisay, oo si saaid ah ayay noo xannaaneyn jirtay. Kadib hooyaday ayaa noo timi, ma ogayn mana aqoon, balse waxa la ii sheegay in ay tahay hooyaday, maalmo kadib halkeedii ayay ku laabatay.
Hooyo guri ayay iibsatay/gadatay, kadib Ayeeyo, aniga iyo caruur kale oo Habaryaro dhashay kulligeen gurigaa ayaanu iskugu nimi.
Dabadeed Ayeeyo ayaa geeriyotay,waxba kama aqoon geerida, balse markii aan waayay qof sidii ayeeyo ii fahma, oo ii koolkooliya, ayaan macnaha geeridda ogaaday. Waan jeclaa ayeeyday weliba si aan xad iyo qiyaas lahayn.
Geeriddii ayeeyo ka dib, habaryartay ayaa i kaxeysatay/wadatay, oo xaafaddeeda ayaan tagay. Waxa meesha iiga bilaabmay nolol xun. Aniga oo aan aqoon u lahayn, sida hawl loo qabto iyo sida caruurta loo hayo ayay igu qasabtay Habaryaro. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan talaagadda/armaajada is idhi maraq geli, kadib wuu iga daatay/qubtay, si fiican ayaan maalinta u xasuustaa, qol ayay igu soo xidhay, wey i qaraacday, oo waxa aan gaadhay heer aan fadhiisan kari waayo, waxa ay damacday inay gacanta ii geliso burjike/girgire dab ka holcayo, hayeeshe gabadh nala degganayd ayaa iga qabatay.
Dugsi ayay igu dartay, marka aan ka imaaddana, hore ayaan hawlaha iyo shaqada guriga ka qaban jiray, se haddi wax yar aan qaldo, si iinsaannimadda ka baxsan ayay ii qaraaci jirtay. Ayeeyo waagii ay nolayd, Gabadh caqli badan ayaan ahaa, weligeed imay dilin, igumana ay qaylin, waxay igu soo korisay nolol tii u fiicnayd ee ilme lagu koriyo, wax walba oo aan u baahdo wey isiin jirtay oo wax igama hagran jirrin, dhabteeda ayaan ku seexan jiray, xitaa haddii aan subaxi dugsi aado, aniga oo aan quraacan, dugsiga ayay iigu keeni jirtay cuntada.
Dharaar ayaa Hooyo soo wacday habo, iyada oo doonaysa in ay ila hadasho, judhii aan la hadlayba illeen waa beer wax dhalaye, waxay iga dareentay, in aan dhibaato ku jiro, oo anan faraxsanayn, keliya waan fiicanahay iyo haa ayey ahayd jawaabihi afkayga kasoo baxayay, sidii qof aan xornimo haysan ayaan u hadlayay, habaryarana waan ka baqayay/cabsoonayay, haddii aan Hooyo wax u sheego, in ay i qaraacdo habaryaro ayaan ka cabsanayay, hooyadayna kama dareemin jacaylkii iyo dareenkii aan wax ugu sheegi lahaa. Kadib Hooyo waxa ay go'aansatay in ay ii wareejiso guriga ayeeyday Aabbo dhashay, maadama ayeeyo lafteedu ay dhawr jeer hore u codsatay in ay ii baahantahay. Habo ayey ku tidhi " Faisa, ayeeydeed ayaa u rabta", sidaa ayan habaryaro uga soo tagay, aniga oo saa'id u faraxsan.
Adeerkay ayaa isoo waday, waa midkii markii aan sebiga ahaa, isku dayay in uu i tuuro, oo nafta i dhaafiyo. Waanu soo baxnay, gobolkii Ayeeyo deganayd ayaan tagay. Waxa aan imi guriga oo Caruur badan ay joogaan, ubadkii aderkay dhalay iyo walalkay ayay ahayeen, Ayeeyo oo xanuusan oo jiifta ayaan u tagay.
Luqaddooddii ayaan la qabsan waayay, oo waan fahmi waayay, kadib walaalkay ayaa igu yidhi " ma kuu kaxeeya guriga Awooto/ Mocooyo". Awootadaas, waa ayeeydii dhimatay hooyadeed. Ana waxa aan idhi "haa", aniga oo isla judhiiba is diyaariyay. Adeerkay ayaa aad noogu qayliyay " waaryaa hadda ayay timi ee xagee u socotaa, meel fadhiiso"-ayuu i yidhi. Inta aan cabsday, oo isku naxay, ayaan sidii guriga ku joogay. Maalmo kadib dugsi ayaa la i geeyay. Markii guriga aan imanayay, gabadh shaqaale ah ayaa joogtay, wey naga tagtay, kadib aniga iyo gabadh adeerkay dhalay ayaa loo kala qaybiyay shaqaddii guriga. Halkaa gumaysi iyo addoonsi kale ayaa iiga bilaabmay, waan xasuusta wax walba oo ay igu sameeyeen, haddi iyagu ay iloobeen. Ayeeyday ayaa baxday, xajka ayay aaday, noloshiina si aan qiyaas lahayn ayay iigu sii adkaatay, dhar xitaa ma haysan, xaaska adeero qabo iyo adeero ayaa jooga, cunto haddii aan u baahdo inaan gurto la iima ogolayn, adeerkay wuu necbaa, oo markasta wuu idili jiray, heer waxa aan gaadhay, marka codkiisa aan maqlo, ilintu ay indhahayga soo dhaafi jirtay, haddii aan soconayana aan fadhiisto.
Waxa aan xasuusta maalin, inaadertay ay u tagtay adeero oo tukaan haystay, waxa ay kasoo qaadatay boomaato cilaan ay ku jirto. Guriga ayay timi waxa anan ku idhi aan kula isticmaalo, kadib wey diidday. Xilli duhur ah ayay ahayd, waan baxay oo tukaankii ugu tagay adeero, markaasu igu yidhi "maxaad soo doontay"- waxa aan ku idhi " faadumo cillaanka aad soo siisay oo kale ayaan rabaa, waan u tilmaamay oo wataas ayaan ku idhi"- aniga oo u jeeda ayuu i yidhi " ma taallo ee bax oo guriga aad" Qoraxdu aadbay u kululayd, aniga oo niyad jabsanna oo daallan, misnaa harraaddan, inaadertayna cillaankii igu faaneyso ayaan soo laabtay. Niyaddayda waxa qabsaday, nacaybka adeerkay ii qabo iyo sida uu caruurtiisa iiga jecelyahay. Nacayb ayaan u qaaday, illaa haddana waan necbahay, waayo iimuu naxariisan. Waa-danbe waxa aan xammili waayay dilka, qaylada iyo danneyn la'aanta adeerkay. Qofna ma ogayn in aan wax cunay iyo waxa aan ku suganahay. Maalmo kadib tabar la'aan ayaam noqday, waan xanuustay, laba jeer ayaa dhakhtar Muqdisho ah la isoo qaaday, marka labbaad cusbitaalka ayaan dhiig ku matagay. Dhakhtarku waxa uu ii soo qoray nasiinno iyo in aanan xitaa dugsiga aanan tagin, cunto iyo faytamiinna la i siiyo, laakiin markii gobolkii la igu soo celiyay intiiba waan ka waayay adeerkay, ma kaas ayaan u qalmin nacayb. Dugsiga tag ayuu i yidhi aniga oo xanuunsan, waan aaday, macalinkii ayaa ka yaabay sida aan noqday, marka aan casharka ka soo baxo ayuu isoo fasaxi jiray. Habeen ayaa aderkay i yidhi " akhri wixii aad soo dhigatay maanta, kadib waan garanwayay, intuu xadhig fiillo/laydh ii soo qaatay, ayuu i qaraacay illaa jidhkaygu ka jeexjeexmay, illa hadda dhaawicii nabarradaasi iga soo gaadhay wey igu yaallaan. Isla markaaba waxa guriga timi ayeeyday walaasheed, inta ay ku qaylisay oo canaanatay adeerkayga arxan laawaha ah, ayay gurigeedi iso kaxeysay, yadoo oo dhiig iga da'ayo Afka iyo Isha dusheedda. Halkaa ayaan nasiino ku dareemay, daawooyinkii dhalhtarku iso qorayna ku dhameystay, kadib waan caafimaaday oo gurigii ayaa la igu soo celiyay, markii ayeeydaydii xajka jirtay ay soo gurya noqotay.
Maalmo kadib waxaan maqlay in aabbahay iimaanayo, oo uu yurub kasoo socdo, waan farxay, 13 sanno ayaan jiraa, weligayna indho iyo dhaayo ma saarin aabbahay, hilow iyo xiise ayaan aragiisa u hayay, hal bil oo uu nala joogay, kadib halkiisi ayuu ku noqday. Naxariistii waalidnimo ee aan ka sugayayna kama helin Aabbo.
Markan 14 sanno ayaan gaadhay, waxa la ii sheegay, Hooyaday inay iman doonto, waxay ahayd markii labbaad ee aan arki doono iyadana. Wey timi oo gobolkii ayay iga soo wadday, Xamar ayanay ii soo kaxeysatay. Waxa aan is idhi naxariistii aad hammuunta iyo harraadka u qabtay hadda ayaad helaysaa, balse taasi ma noqon dhab, oo hooyaday waxau mar kasta iga jeclayd walashayda iga yar. Dhaawacyaddii hore la igu geystay, qaar ka darran oo ka xanuun badan ayay ii geysatay.
Runtii, ma soo arag jacaylka Ayeeyday hooyo isoo siisay mid la mid ah.
Hadda iyaga oo dhan, waan kasoo dhex baxay, qof weyn ayaan hadda noqday, waddadii guusha ayaan cagta saaray, qofna uma baahni, balse iyaga oo dhan waan jeclahay, mana aan illaawin, idilkood mid mid ayaan u xasuustaa.
Haddii ubadkiinna aydaan xannaanaysan karayn, fadlan waxba ha soo lu'goynina oo ha guursaninna.
Qisaddan oo dhab ah, aniga ayaa qoraal u beddelay, oo idinla wadaagay, se sheekadu feysa oo ila wadaagtay ayay u gaar u tahay. Iyada ayaana baahinteeda fasaxday.
Comments
Post a Comment