Skip to main content

20 jirkaygii iyo 48 jirkaygiiba nin madax ahbaa i hoday

Markaa ayuunba qax, dagaal iyo burbur laga soo gudbay. Taariikhdu waa 1-dii bisha February 1994-kii. Subaxnnimadaa waxa lagu waaberistay war bulshada dhegahoodu maqlaan kii ugu wacnaa, war ma ahayne mucjiso mar iyo dhif dhacda ayay ahayd. Guutaddii 10-naad ee SNM ayaa hub dhigis sameysay, kadib Ciidaammaddii kale ayaa ku dayday oo Stadium-ka Hargaysa hub dhigis ku sameeyay. 


Maalinkaa ayay sheekadaydu bilaabmaysaa, da'adaydu waa labbaataneeyo sanno, ka hor taariikhdaa maskaxdayda amminna ma gelin qori qaado, laakiin wax walba dareenkii iyo jawiga aan garoonka kubadda cagta ee Hargaysa ku arkay ayaa beddelay. Hadalladda mudantii iyo labeentii hadashay ayaa ii sawiray hummaag iyo sawrac waddanninimo, nolol gadaal iiga farxin doonta iyo horumar bulsheedba ii muuqday . Waxa aan go'aansaday inaan Ciidanka ku biiro, haddii anigu aan waayay nolol san iyo nagaanshiyo amni  caruurtaydu inaanay dareemin qaxi iyo dhibtii aan soo dhadhamiyay, ubadkayga dartood inaan Askari Qaran u noqdo ayaan go'aan ku gaadhay, misna naftayda ku dhaarsaday. 


Tababar 3-bilood ah kadib Guuto fadhigeedu yahay Hargaysa ayaa la igu qoray. Fadhiisinkayagu waxa uu noqday Gantaalaha, halkaa ayaanu ku xareysnayn, oo wax nolol u eeg ku dareemay. Markan dalku xasilooni siyasadeed iyo mid nabadeed ayuu dhex maasheeyay. Tababar danbe ayaan ugu baxay kulliyadda Cabdillaahi Askar ee Darerweyne. Gabadh deegaanka ah ayaan halkaa ku bartay, naag ma ahayne Shankarroon farriida, midab ahaan maariin ah ayay ahayd. Haasaawe iyo is fahan kadib guurbaanu ku heshiinay. Markan mushahar 30 dollar ayaan qaata, balse nasriga Ebbe inuu curan doono ayaan ku calool adeygay. 130-dollar oo Asxaabtii aanu kuliyadda ku wada jirnay iskugu kay dardareen iyo 30-kii mushaharka ii ahaa ayaan ugu geed fadhistay, duunyo badan igama qaadin qoskeeda iyo tolkeed, li ajliga  ogaanshahooda xaalkayga Adduun, misna si gobannimo leh ayay iigu sharfeen dheemantii ay dhaleen.


Dhawr billood kadib tababarkii ayaa isoo idlaaday. Aniga iyo marwadaydiina Hargaysa oo aannaan ku ogayn wax nooga horeeya ayaanu usoo baxnay. Nin aanu saaxib nahay oo magaalada deggan gurigiisa ayaan habeenkii geeyay haweynaydii, anna xeradaydii ayaan u hoy tagay. Subaxii xigay dhulka xeraddu ku hareeraysantahay oo balaadhan ayaan qol aqal soomaali ah ka dhex qotamiyay, laba cisho kadib gabadhii halkaas ayaanu wada degnay. Nolol duruuf iyo daryeeel xumo ku xeerantahay ayaanu galnay, laakiin waanu iskaga qanacsanayd. 


Saq badh 2007-dii, ayaa hurintii aan ka tirsanaa lagu amray inaanu diyaar-garawno, markan safarkayagu waa Laascaanood oo Ciidankayagu gacanta ku dhigay. Guriga ayaan degdeg u galay oo intaan dhawr macawiis oo duug ah bac ku ritay, Marwadii la dardaarmaay, 4-tii ubad ee rabbi nagu irsaaqay intaan laabta geliyay ayaan albaabka ka booday. 


Laascaanood iyo bari idilkii maqal mooye waa ii safarkaa. Hadhgal ayaanu magaalada galnay oo taliskii naloo diyaariyay aanu saldhiganay. Taliskani 16 sanno ayuu hoygayga iyo xaruuntayda ahaa, marka laga reebo bilo yar oo aan fasax helay. 


Waayuhu wax uu ged'geddoomo markan waxa aan ahay labo xiddigoodle, labba xidigood oo micne u yaal ah weeye. Awooddaydii iyo tamartaydii siddii waagi hore maaha, da'adii inay i hayso ayaan dareemayaa. Dhanka kale mudaddaa aan bari guntii cimrigay ku dhamaaday, oorridda iyo ubadkaygu waxa ay la gebi dhacloonayeen duruufaha adag ee nololeed, nolol sun iyo waabey ahbay ubadkaygu ku koreen, Waxbarasho ma helin marka laga reebo laba sida aan kula soo dabaashay ebbe keliya ogyahay. Noloshii aan u hilaadinayay ee duurka, dhaxanta iyo qabawga u jafay may helin. Anigoo u xamaala malaha sidan dhaami lahayd!. Dhulkii Hoyga noo ahaa 27-ka sanno, dawladda ayaa iibisay, dharaar cadbaa lagu yidhi xamaamkiina ka uruursada. Subaxdaa xaasku ii soo sheegtay dhacdadaa  dagaalbaan ku jiraa oo goontaa ayaanu inarag iskula jirnaa. Cadho inay i disho ayaan ku dhowaaday. Dal lahayne difaacisa maxaa kugu wetay  ayaan ku tiiraabay. Wixii duruuf aan soo marnay maalinkaa ayaan qoomameyay. Ciil weynaa, waan rejo dhigay oo wax walba ka qoomameeyay. Summad ba'an iyo nabar aan bogsoonbaa qalbiga iga haleelay. Dalkii aan difaaciisa naftayda nidarka kula galay, siyaasi iyo  madax manfac doon ahbaa bahalo galeen iyo xeramooris ka dhigay.  


Bil kadib dharaartii qoyskaygii cidlada lagu hurgufay, waagii wuxuu noogu beryay geeri go'an iyo ciidaan 4-ta jiho beerka dhulka noogu nabay, misna hoosta nagaga jira, col kaa badan iyo biyo ka badaniba way ku hafiyaane, maalinkaa waa nala jabiyay, jab kii u xumaa ayaa nala dhadhansiiyay. Gurmad la'aan ayaa na jabisay, guutooyinkii naga ag dhowaa cid noo juuqda ayaanu weynay. Markii nala soo guda galay, kabtay meeday iyo i bixiyoow i bixi ayaa ka dhacday. dhaawac ayan ahay, oo waan dhiig baxayaa, naftu waa maacan se  soomaalidu wa tii hore u tidhi "haddaad dhimanaysid dhareerka la iska duwaaye" karaankayga inaan baxsado ayaan isku dayay, balse socodkii ayaan gabay oo halkii ayaan ku suulay. 


Waxaan soo baraarugay anigoo dhakhtar ku jira, oo dad kuwii aan cadawga u aqaanay i dabiibayaan iguna wiirsanayaan. 


Hadda xaladdayda caafimaad wey soo reynaysaa. Dad gob ahbaan gacanta ugu jiraa,naftayda u biqi maayo, se wixii foolxumo iyo dhib dhacay ciddii sababta u ahayd  taariikh xumaa sooyaalka ugu dhitaysnaan. 


Miyaan moodayay sidaa !!.

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...