MAXAY MUHIIM UGU YIHIIN GOOBAHA WAXBARASHADA BANDHIG DHAQAMEEDYADA/HEESAHA, BANDHIG CIYAAREEDYADA, BANDHIG CILMIYEEDYADA, BANDHIG DIIMEEDKA IYO KUWA LA HAL-MAALAA ?
Bandhigyadan goobaha waxbarashada ee aan kor ku xusay dunida idilkood way ka simanyihiin oo waan ku arkay marka Soomaalida oo aan xaga danbe kaga hadli doono laga reebo, dal walba waxa uu leeyahay todobaadyo gaar ah oo min iskuulada illa jaamacadahu ay qabsadan barnaamijyada noocan ah .
Bandhigyada noocan ah ee goobaha waxbarashadu waxa ay kor u qaadaan wacyiga iyo heerka shucuur iyo farxadeed ee ardayda waxa ayna tusaan waxoogaa isbedel ah oo ku yiimaadda meertada nololeed ee Ardayga ee ka koobaan soo kac, wax cun, fasal xaaddir, wax akhri/ diyaari, seexo kadibna maalin walba intaa ku cel-celi.
Maalmahaas Ardaydu waxa ay dareemaan udgoonka shaqada adag, kuwa abaabulaya ee hormoodka u ah ilaa kuwa daawaadayaasha ah. Sidoo kale kacaankaa wax baranayaa goobahaa waxa ay kusoo bandhigaan hibooyinkooda, waxa ay ku ficaanyihiin, waxa ayna ardaydu ku bartaan sida bulsho dhan hortooda looga hadli karo waxna looga soo jeedin karo, waxa ay kobciyaan garaadka, oo waxa lagu soo bandhiga waxyaabo cusub. Waxa lagu barta Dhaqamada, heesaha, cuntooyinka iyo caadooyinka kala duwan ee bulshada goobta waxbarasho iskugu timi.
Dhulka Soomaalida iskuuladu keliya waxa ay caan ku yihiin dabuurka midhadh yar oo koobaan ayaa dhacdooyin ciyaaro sida tartano orod iyo kubad ardayda u qabta ama dhexdooda tartamo cilmiyeed iyo doodo ah dhex dhiga. Dabuurka dugsiyadu waa halka ay ka soo baxeen dadka maanta dhexdeenna sameeynta ku leh Eeg hadda ! waxaa Abwaan, Weriye, Garyaqaan, Siyaasi, Qoraa, Macalin iyo Hibooley ah waa goobta ay kasoo bexeen.
Dhanka Jaamacadaha badankood dhacdooyin yar yar oo ay ka mid yihiin todobaadka dhaqanka iyo barnaamijyo Telefishanno soomaaliyeed, ganacsato iyo Jaamacaduhu iska kaashadeen oo ramadaanta baxa ayaan ku arkay weliba waqooyi (somaliland) ayaan badankood ku arkay. Waxa ka mid ah barnamijyadaas, Tartanka hal abuurka ganacsi ee ardayda jaamacadaha, iyo Tartanka adeega bulshada ee jaamacadaha, waa bandhigyo mudan in la dhiiri geliyo inkasta oo ay koobanyihiin.
Hadaba yada oo la is waafijinayo dhaqankeena, diinteena iyo barnaamijyada noocan ah ma ku haboonyihiin goobaheena waxbarasho?
Haa way ku haboonyihiin sida aan ra'yi ahaan qabo, se dadka qaar ayaa igaga aragti duwanaan kara, Waxa se aan hubaa Qofka igaga fekerka duwan in labadayada aragti kala duwanaan doonaan marka la soo gaadho dhanka dhaqanka iyo fanka soomalida, anigu heesaha somaliyeed in dhaqankayga ay ka mid yihiin ayaan aaminsanahay oo goob walba marka laga reebo goobaha cibaadada in lagu soo bandhigi karo, ciyaari karo laguna dhagaysan karo ayan qabaa waana sababta aan u dhiiri-gelinayo una aaminsanahay in munasibadaha qaar goobaha waxbarasho Kacaanka wax baranaya lagu madadaalin karo heesaha.
Dugsigan iyo Gabadhaas Ardayada ahba in lagu booriyo laguna amaano dhacdadan ayay mudanyihiin.
XQ: Mo Adani
Comments
Post a Comment