Skip to main content

MAXAY MUHIIM UGU YIHIIN GOOBAHA WAXBARASHADA BANDHIG DHAQAMEEDYADA/HEESAHA, BANDHIG CIYAAREEDYADA, BANDHIG CILMIYEEDYADA, BANDHIG DIIMEEDKA IYO KUWA LA HAL-MAALAA ?

 

Bandhigyadan goobaha waxbarashada ee aan kor ku xusay dunida idilkood way ka simanyihiin oo waan ku arkay marka Soomaalida oo aan xaga danbe kaga hadli doono laga reebo, dal walba waxa uu leeyahay todobaadyo gaar ah oo min iskuulada illa jaamacadahu ay qabsadan barnaamijyada noocan ah . 

Bandhigyada noocan ah ee goobaha waxbarashadu waxa ay kor u qaadaan wacyiga iyo heerka shucuur iyo farxadeed ee ardayda waxa ayna tusaan waxoogaa isbedel ah oo ku yiimaadda meertada nololeed ee Ardayga ee ka koobaan soo kac, wax cun, fasal xaaddir, wax akhri/ diyaari, seexo kadibna maalin walba intaa ku cel-celi. 

Maalmahaas Ardaydu waxa ay dareemaan udgoonka shaqada adag, kuwa abaabulaya ee hormoodka u ah ilaa kuwa daawaadayaasha ah. Sidoo kale kacaankaa wax baranayaa goobahaa waxa ay kusoo bandhigaan hibooyinkooda, waxa ay ku ficaanyihiin, waxa ayna ardaydu ku bartaan sida bulsho dhan hortooda looga hadli karo waxna looga soo jeedin karo, waxa ay kobciyaan garaadka, oo waxa lagu soo bandhiga waxyaabo cusub. Waxa lagu barta Dhaqamada, heesaha, cuntooyinka iyo caadooyinka kala duwan ee bulshada goobta waxbarasho iskugu timi. 

Dhulka Soomaalida iskuuladu keliya waxa ay caan ku yihiin dabuurka midhadh yar oo koobaan ayaa dhacdooyin ciyaaro sida tartano orod iyo kubad ardayda u qabta ama dhexdooda tartamo cilmiyeed iyo doodo ah dhex dhiga. Dabuurka dugsiyadu waa halka ay ka soo baxeen dadka maanta dhexdeenna sameeynta ku leh Eeg hadda ! waxaa Abwaan, Weriye, Garyaqaan, Siyaasi, Qoraa, Macalin iyo Hibooley ah waa goobta ay kasoo bexeen.

Dhanka Jaamacadaha badankood dhacdooyin yar yar oo ay ka mid yihiin todobaadka dhaqanka iyo barnaamijyo Telefishanno soomaaliyeed, ganacsato iyo Jaamacaduhu iska kaashadeen oo ramadaanta baxa ayaan ku arkay weliba waqooyi (somaliland) ayaan badankood ku arkay. Waxa ka mid ah barnamijyadaas, Tartanka hal abuurka ganacsi ee ardayda jaamacadaha, iyo Tartanka adeega bulshada ee jaamacadaha, waa bandhigyo mudan in la dhiiri geliyo inkasta oo ay koobanyihiin. 


Hadaba yada oo la is waafijinayo dhaqankeena, diinteena iyo barnaamijyada noocan ah ma ku haboonyihiin goobaheena waxbarasho? 


Haa way ku haboonyihiin sida aan ra'yi ahaan qabo, se dadka qaar ayaa igaga aragti duwanaan kara, Waxa se aan hubaa Qofka igaga fekerka duwan in labadayada aragti kala duwanaan doonaan marka la soo gaadho dhanka dhaqanka iyo fanka soomalida, anigu heesaha somaliyeed in dhaqankayga ay ka mid yihiin ayaan aaminsanahay oo goob walba marka laga reebo goobaha cibaadada in lagu soo bandhigi karo, ciyaari karo laguna dhagaysan karo ayan qabaa waana sababta aan u dhiiri-gelinayo una aaminsanahay in munasibadaha qaar goobaha waxbarasho Kacaanka wax baranaya lagu madadaalin karo heesaha.  

Dugsigan iyo Gabadhaas Ardayada ahba in lagu booriyo laguna amaano dhacdadan ayay mudanyihiin. 


XQ: Mo Adani

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...