365 Maalmood Tagto iyo Timaado
Maalmo kooban aya inaga xiga in 2021 uu god galo; waxa aynu galaynna qaban-qaabada, qorshayaasha iyo bud-dhiga yoolasha aynu ku wajihi lahayn 2022.
2021-kii galbay, waxa aynu ku macasalamaynaynaa khibradihii iyo waayo-aragnnimaddii aynu 365 kaas maalmood ee tagay ka dhaxalnay. Hilaada 2022 kana waxa aynu kusoo dhawaynaynaa niyad-sami, qorshayaal, hiddidiilo, hammi sare, ahdaaf iyo doonis ka mug weyn kana miisaan culus shalay.
Sannadka 2021 labbada weji ee noloshu koobsatayba wuu i tusay, misna marar badan wuu isku kay qaawiyay, oo dhabarka ayuu ii jeediyay, waxana uu iigu sidkanaa dharaaro adag, isku buuq ay weheliyaan ammin aan wanaagsanayn, walbahaar, welwel iyo murugo ayaanu mararka qaar ii qariyay. Waxa aan ku wajahay oo kaga soo gudbay calool adayg, wakiilasho alle, samir iyo dhiiri gelin, dhanka kale wuxuu igu simay oo uu lammane iga dhigay dharaaro farxadeed iyo bilo qurxoon oo rejooyin iyo himmilooyin badan aan ka midho dhaliyay kana dhabeyay; inkastoo aanu ii noqon sidii aan u qaabaystay una qorshaystay sannadkaas sii gabaabsigaa.
Waa kii abwaan cismaan keenadiid yidhi
“Aduunyda caawiyo maalin
weys ciribinaayaane
Cabbaarkii yaree kaa tagaa
waa cad kaa go’ane
Cimrigaan gabaabsiga
noqdeye sii ciriiri-yoobey
Camalfalasho wixii aan ahayn
kagama ciil beeshid”
Sannadka curtayoow noqo mid barwaaqo iyo badhaadhe oo farta malab la darsado.
Not my best year but indeed i learnt a lot.
Comments
Post a Comment