Skip to main content

NASIIBKA AFRICA

 NASIIBKA AFRICA 

Ka sheekaynta 5kun oo sano taariikh ah oo ay ku ladhanyihiin Hanti, Damac iyo Dadaal.


°  πŸŽ€  β„­π”²π”±π”²π”Ÿπ”¨π”ž 1π”žπ”žπ”‘ πŸŽ€  °


 Κ€α΄α΄α΄α΄€α΄€Ι΄α΄‹α΄€ Ιͺʏᴏ ꜱᴏᴏ Ι’α΄‡ΚŸΚŸΙͺα΄…ΙͺΙͺΙͺ α΄€κœ°Κ€Ιͺα΄„α΄€

°  πŸŽ€QᴀʏʙᴛΙͺΙͺꜱΙͺ 1α΄€α΄€α΄… πŸŽ€  °


Dhamaan Waqooyiga africa ugu danbeyntii waxay galeen gacmaha xukunkii romanka. Kadib, dib u dhigii iyo dhimashaadii boqortooyada carthage ka, waxa ay romanku u sharciyeysteen sidii gobol africa ah oo ka mid ah 146 kii Ciise CSW hortii.


Kuwii ku xigay ee is dhiibay waxa ay ahayeen boqortooyadi Berber ee Numidia oo dhanka galbeed ka xigtay xeebta taas oo marki danbe roomanku ay u bixiyeen Africa Nova (Bariga algeria). 10 sano kadib waxa ay la wareegeen mauretania oo hoos tagi jirtay boqortooyada berber kuna taalay galbeedka numidia oo fidsanayd ilaa xeebta.


Laga  bilaabo masar ilaa morroco  dhamaadki qarnigi koobad BCE, Boqortooyadi romanku waxa ay gaadheen 3 kun oo mayl bari ilaa galbeed oo ilaa xeebta ah. Waxa ay gaadheen geeska dhulka fidsan ee saxaraha, waxa ay romanku xuduudaas ka ka aas-aaseen ciidan Military oo joogto ah, iyo derbiyo adag oo aan laga gudbi karin ayna roondeynayaan cutubyo ciidanka guurguura ah iyo wardiyayaal waxa ayna iska ilaalinayeen soo laba kaclaynta barbarian ka .


Romanka ujeedkoodu waxa uu ahaa in ay africa sii waddo siinta shixnadaha muhimka ah ee Badarka (cuntada baalka leh) ee ay u baahanyihiin si ay ugu quudiyaan dadkooda jooga dhulkoodii.


Waqooyi galbeed africa, tiro badan oo Saraakiil ciidan ah iyo muhaajiriin kale ayaa la dejiyay dhulkii Romanku ay ka qabsadeen Carthaginianka,Namidianka iyo xoolo dhaqatadii berberka oo dhulkan degi jiray.

Ujeedka ay muhaajiriinta iyo saraakisha ciidanka usoo dajiyeena waxa ay ahayd si kor loogu qaato wax soo saarka beeraha.


Guurtidii iyo Baadhayaashi Romanku waxa ay heleen mulkiyada dhul baaxad weyn halka qeybo ka mid ahna ay kiraysteen yagoo qaybaha ay kiraysteen dadkii dhulka hore  degana beerahana lahaa 3 meelodow meel siin jiray wax soo saarka dhulkaas.

Waxa ayna ka heleen hanti badan qiimaha sare ee dhoofinta dalagaa ka baxa dhulkaas.


Aagag cusub oo ku haboon beerashada ayay carro rogeen oo xaadhxaadheen.


Dhamaad 

°  πŸŽ€  β„­π”²π”±π”²π”Ÿπ”¨π”ž 1π”žπ”žπ”‘ πŸŽ€  °

°  πŸŽ€QᴀʏʙᴛΙͺΙͺꜱΙͺ 1α΄€α΄€α΄… πŸŽ€  °

Waa ino qaybta 2aad

Qore: Maxamed Cali Caddaani

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...