Skip to main content
Dunidu waxay la tacalaysa xanuunka safmareenka ah ee Covid-19,Ma jiraan shaqooyinki loo fooftagi jiray bulshadeena danyarta ah ee sida dirqiga ah ku heli jiray halka ama labada wakhti iyo kuwii aan maalinta dhan dabka shidan duruufo dhaqaale darteedna la daladhacayay waa kuwa wakhtigan ugu nugul marxaladan . Hooyoyinkii si ay ubadkooda ugu soo helaan gasiin ay malintas quutaan subaxa hore u fooftagi jiray,goobaha waxbarashada hortoodana ku iibin jiray nususaca iyo goobaha kale ee wakhtigan la xidhay xaladooda nololeed xukumad iyo bulsha ahaan ma ka war haynaa? . Aabe yaasha iyo waalidka sida malin laha ah uga soo heli jiray shilimaadka goobaha shaqo ee wakhtigan xanuunka dartii albabada la iskugu dhuftay si ay ku qudin lahayeen ubadkooda xaladooda nololeed war ma ka haynaa ? Deriskaaga laga yaabo in anay malinta dhan cunto afka saarin nasriga allena sugaya wax ay cuni donana aan ogayn war ma ka haynaa. Hadii aad ku noshahay nolol aad 3da wakhti sideeda u helayso,bulshadeena inta dabaqada dhexe ah iyo inta kumananka kun iyo malayiintu faraqa ugu jiranow ebbe hantidaas uma waayin inta duruufta nololeed la dala dhacaysa laakin alle waa idinku tijabinaya iyagana samirkooda ayu ku egayan
Dulucda aan uso dadagee Waa wakhtigii aynu gacmaha isku qabsan lahayn sidii aynu u cawin lahayn ama dadka ebbe wax siyay u gaadhsiin lahyn in aan la ilawin dadkaas bulshadeena ugu nugul wakhtigan adag . Waxan ugu baaqaya xukumada in ay il gaar ah ku eegto bulsheena danyarta ah oo anay wakhtigan waxba ka hagran wax walbo karankeda ahna ay bulshadaas dul dhigto,sido kale haayada aafoyinka iyo kaydka raashinka waxan ka codsan lahaa in aay furto xaruumaha kaydka rashinka oo bulshada ay u qaybiyaan. Shaqsi walba oo awooda maanta inuu kaga farxiyo qoys ama wax ka badan waxaan ku dhiirigelinayaa in hanti anay manta waxba shegayn ee uu caawiyo inta karankii ah qoysaska la daladhacaya durufaha adag. Qoys walba waxa waajib ah in wakhtigan aynu ka war hayno qoysaska deriskeena ah oo aynu ku caawino wixii aynu awoodno. Qofka sadaqada badan sadaqadu waxay ka badbaadisa dhibaato ku soo socota ebbe dhamaanteen ha ina hareer mariyo viruskas halista ah. Fadlan ka qayb qaado quudinta qoysaska danyarta ah si kasta oo aad u awoodo bulshada inteeda kalena gaadhsi in wakhtigan ay lama huraan tahay inaynu is tagerno. Wakhtigan iyo todobadada soo socda sidii aynu uga hawlgali lahayn ayaynu bararujinteda iyo abaabulkeda galayna af iyo adinba inaga oo mawduucyada cawinta danyarta diirada saari doona insha-allah.

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...