Skip to main content

Sababaha an u didanahay inay somaliland ka go-do somalia

QAYBTII 1aad
Sababta 1aad ee an ku diday in somali la kala jar0 oo anay somaliland wadan u noqon karin hadii ay sidan ku sii socoto. Dadka an kaso jeedo ee dega gobalada waqooyi ee loo yaqan somaliland waxa wada dega oo dhul ahaan wada leh 6 qabiil. darafka galbedka somaliland qabilka deggan waxa weeye qabilada Ciise iyo samaroon,bartamaha waxa dega beesha loo yaqan beesha dhexe ama isaaq,darafka bari waxa dega beelaha dhulbahante iyo warsengeli. Qabilka 6aad waa dulmane dhab ah somaliland oo keliyana laguma dulmo balse Djabouti,Dawlad deganka somalida ithopia iyo koonfurta somaliyedba way ku dulmanyihiin waana beelaha loo yaqan dadka laga tirada badanyahay ama gabooye Iska daa in ay ka aradan yihiin wax wada qaybsiga dawladnime waxay ka aradanyihin horumar waxbarasho iyo in la liido. Mar hadii somaliland ay ku midooben oo shirkii awowyashay ay ku iclamiyeen gooni goosadka somaliland ay 6da qabiilba u dhamayeen maxa keenay in beesha dhexe ay u sheegat0 in somaliland ay leedahay Kurasta iyo xilalka ugu mihimsan ama 85% xilalka dawlada iyo xisbiyada mucaridka ay u haystaan halka 4 qabiil ee kale 15% keliya ay ka haystan xilalka somaliland guadaheda. Hadda Shacabka Qabiladaasi 70% way ka soo horjedan inay somaliland noqoto dawlad waxa ayna aminsanyihiin in reer keliyi 《beesha dhexe 》sland ta la shegayaba awoodeda ay xoog ku hystaan. Ku darso 3 xisbi aya somaliland ka jira 3 daba beesha dhexe aya majaraha u haysa,ma waala jirta markaa somaliland la wada leyahay ma jirtee. Waxan garwaqsaday markas in ay xaq ku taganyihiin dadkas la dulmiyay. La soco qaybta 2aad iyo haben danbe sacadano kle.............

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...