Skip to main content

waa maxay bariiska caagaha ah we Africa loo soo dhoofiyo?

Waa maxay bariiska caaga ka sameysan ee Africa loo soo dhoofiyo? Bariiskaan bugta ah waxay sheekadiisu ka bilaabatay dalka China dhowr sano ka hor. Laakiin wuxuu ku faafay dhowr dal oo kala ah India, Indonesia, Vietnam iyo wadamo kale oo daris la ah.Waxaa bariiskaas si qarsoodi ah lagu gayn jiray dalalkaas, inkastoo markii dambo laga bilaabay in warshado hoos taga shirkadahaas si qarsoodi ah looga furay sida dalka Vietnam.Baaris lagu sameeyay bariiskaan bugta ah waxaa la ogaaday in laga sameeyay baradho iyo caag la isku shiiday, taasoo loo ekeysiiyay wax aan laga garanayn bariiska caadiga ah, kadibne la midabeeyay, laguna buufiyay caraftii bariiska oo kale. (Sawirka kore waa bariis caag ah).Way adag tahay in aragti lagu garto bariiskaan laakiin markii dabka la saaro, sida bariiska saxda ah ma noqdo oo sidii caag la shiilay oo kale ayuu isku dhegdhegaa, wuuna burburaa, gacantaadane kuma dhegdhegayo, wuxuuna yeeshaa ur sida baradhada oo kale oo ka duwan tan bariiska saxda ah ee la yaqaano.Waxaa kaloo lagu gartaa in bariiska cusub markii biyo lagu shubo uu weelka korkiisa sabbeeyo oo uusan salka weelka fadhiisan.Markii ugu horeysay ee qaaradda afrika uu soo gaaro bariiskaan caaga ah waxay ahayd laba bil ka hor markiidalka Nigeria lagu qabtay boqolaal jawaan oo bariiskaan lagu soo qariyay, lagana keenay dalka shiinaha, taasoo walaac ku abuurtay dalal badan oo aysan ka jirin xarumo dabagala badeecadaha nuucaan ah in suuqooda la soo geliyo.Arrintaan haddii aad dabagal ku samaysid waxaad ogaanaysaa in warbixinta bariiskaan meel walba lagu soo bandhigay, digniino badanne laga bixiyay taasoo caafimaadka halis ku ah, laakiin nasiib xumo dadkeenuwax akhriska way ku liitaan.Waxaan ganacsatada soomaalida kaga digaynaa in bariiskaas ay il gooni ah ku hayaan, si ay uga feejignaadaan in lagu soo qiyaameeyo, bulshaduna uga badbaado bariis caag ka samaysan oo caafimaadkooda halis gelin karo.Beeralayda soomaaliyeed hala maalgeliyo, hana la dhiirogeliyo si aan dhulkeena u tabcano, bariis nagu filanne aan u abuuranno. Mahadsanidiin.Haddii aad warbixin dheeraad ah ka haysid bariiskaan ama aad wax ku biirin lahayd, hoos ku soo gudbi fariintaada. ©2017

Comments

Popular posts from this blog

April 20 2024 | Dhalashadayda. Xus, Xasuus iyo samatabaxa badbaado ee naftayda.

Maanta oo kale, dhawr iyo labaatan gu'u hortood baan dunida imi. Been baan sheegay haddii aan idhaa waan ku faraxsanahay sannadguurada soddonka u dhow ee dhalashadayda, inaan weli iska noolahay iyo debaaldegga maalinta dhalashadayda. Dhawr iyo labaatan sanno kadib dhalashadayda, mar kasta oo da'a iyo sannad lasoo hadal qaado xaalad jahowareer, walbahaar, werwer iyo iswaa ahbaan galaa oo fashil, liidnimo iyo niyadjab baan dareemaa. Qof guuldarreystay, madhan oo nolosha ku fashilmay inaan ahay baan istusaa. Sabab dheh, dhawr sababoodba. Dharaarihii dhallaanimo ee noloshu nayaayirada ii lahayd baan dhaafay, kal danbe oo kor oo kaalin gal la i yidhaa iima hadhin. Dhanka kale, milaygii u danbeeyay, gu'gii ii kordhaaba meehaal, kar iyo kulayl ay umuuruhu jaal iga dhigeen ayuu watay. Waad odhan kartaa " Maxamed-ayaandarran, riyooyinkiisa iyo aragtiyahii uu u nolaa ayuu ku fashilmay iyo wixii la hal-maala e", aan dib kuugu celiyo ammintii dhalashadayda. Ragow barasho, gee...

20-ka Abriil — Sannadguuro dhalasho— jab iyo dib-u-dhalasho ku ay tahayba

Sannad ka hor-sannadguuradii dhalashadayda xuskeedii ayay ahayd markii aan nafta ku idhi: " Tanaasul xaajada kusoo idlee," se marmarsiiyo— may —ee aan idhaahdo aragti ah; Muuse Biixi degelka in la dhaafiyo iyo halganka aragtidaa markan ka libin keeno labada mabda'a ee danbe ( dhulka cadawga madow haysto xornimo raadinteeda, iyo fikradda Somali Nationalism) inaan ka tashto, oo iska ilaawo ama tayda gaar ahaaneed aan dalaw ka tuuro oo kuwaa u go'o ayaa qorshuhu ahaa. Milaygani go'aan kama danbeys ah ayaan qaatay. Waan is dhiibay— inkastoo qalbigayga iyo damiirkaygaba aan dulmiyey. May, qof walba oo leh mabaadii iyo aragtiyo halgan wadareed ah, wakhtigaa u run sheega, misna ku yidhaahda : "ka tanaasul, ka daneyso oo taada gaarka ah ku foof. Isma beddelin, ismana beddeli doono, balse ugu yaraan inta aan uga tamaraysanayo tayda shaqsiyadeed ayaan mudnaan ( Priority) siiyay. Waa go'aan istaraatiiji ah oo badbaado ii noqon kara. Jid cusub ayaan marayaa – mid ay ...

Wehelkayga noloshay miyaan kuu warramay?;

Xilo-jannooy, sannad walba 14-ka Febawori waxa loo asteeyay maalinka jacaylka lammanayaasha is doortay. Haa, nin Valentine la yidhaahdo ayaa unkay. Waxay ku baxday, sababta ay u baxday iyo sirta ka danbeysayba waxba inagama gelin. Dhanka kale, ma aha in jacaylka dharaar keliya xus jacayl lagu asteeyo. Milaygii kasta wuxuu inoo yahay "Days of Love" Iyadoo sidaasi ay tahay ma jirto wax ii diidaya inaan dhex raacsado bilaayiinta farriimaha jacayl isu diraya ee jilaya jacaylka iyo kalgacalka. Muhiimaddaydu waa inaynu xusno maalmaha ku suntan jacaylka. Aynu weynayno dharaartani, ku dheelno oo dhegaysanno heesaha aynu jecelnahay.  Gacaliso, ma jirto maalin aanan kaa fekerin oo niyaddaydaba kama baxdid. Adba waad ogtahay sida aan obsessed kuugu ahay. Jacaylka aan kuu hayo ma aha mid ku kooban hal maalin oo keliya—waa dareen aan maalinkasta xambaarsanahay. Waa dareen dhabta ah oo aan rabo inuu sii jiro inta aan noolahay. Jacayl, daacadnimo iyo wanaag oo dhan baad u qalantaa. Ma ogi ...