Waa kuma hogaamiyaha ay u baahanyihiin shacabka somaliland? 26 sano ayaa haatan laga jooga markii somaliland ay xoriyadeeddi kala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray soomaaliya, 4 madaxweyne oo kala duwan ayaa soo maray Somaliland hadana xukumad kasta shacabka ku nool JSL waxay ka muujiyaan saluug ba'an, inkastoo 4 taas madaxweyne ee soo maray Soomaaliland ay dhamaantood horumar la taaban karo ka sameeyeen Deegaanka. Hadii aynu isdul taagno wax qabadka xukumad kasta.
1. XUKUMAADI ALLE HA U NAXARISTE CABDIRAXMAAN TUUR.
Inkastoo aanay Dooran shacabku haddana waxa doortay odayaashii, xukumadii ugu horeysay ee ay Somaliland yeelato wax qabad la taaban karo kumay talaabsan sababtana waxa loo aneeya muddo 2sano oo kali ah oo ay xukumadasi talada haysay iyo weliba wakhtigaas wadanka oo an lahayn ciidan yadoo deegaanka wakhtigaasi ay ka jireen qab-qablayaal iyo dagaal ogayaal, waana sababta ay xukumadani wadanka uga ariminaysay keliya 2 sanno, shacabkuna waxay tabanayeen baahiyo an la soo koobi karin.
2. Xukumadii CIGAAL ( ALLE HA U NAXARISTEE )
Inkastoo si la mid ah xukumaddi Cabdiraxmaan Tuur anay shicibku dooran xukumaddan yeelkede
xaqiiqada marka laga hadlayo madaxweyne Cigaal iyo xukumaddiisi waxay ahayd tii salka u dhigtay kala danbeynta haatan ka jirta #
Soomaaliland iyo weliba nabada ay shacabku ku dhafeen khayrkood, waana shaqsigii yagleelay ciidamada kala duwan ee qaranka. waxa uu qarameeyay meleeshiyaadkii dagaal ogayaasha ahaa balse nidhanaca kale horumar la taaban karo oo an ahayn inu salka u dhigay nabadgelyada qarankan iyo inuu heshiisiyay beelihi walaalaha ahaa ee dirirtu ku dhexmartay Gudaha Laanta. Weli dadku waxa ay tabanayeen baahiyaad kala duwan ee muwaadin xaq ugu leeyahay dawladnimada.
3. XUKUMADII DAAHIR RIYAALE KAAHIN. Xukumaddii ugu horeysay ee doorasho hal qof hal cod ku timi,
MADAXWEYNIHI HORE MUDANE DAAHIR RIYAALE KAAHIN waxa uu awooda ugu badan saaray sidii uu u dhisi lahaa ciidamadda iyo sidii ay u gaadhii lahayeen ciidamadiisu dhaamaan xuduudaha Somaliland lahaanshaheedda sheegato, horumar la taaban karo ayay xukumadanni gaadhey inkastoo ay xal u weyday xukumadi dahir riyaale in dhaqaalaha wadanka kor u qaado sababo jiray markas awadood,
balse si la mid ah 2 dii xukumadood ee ka horeeyay shacabku waxa ay tabanayeen welli in aanau hellin wixii qof shicib ahi dawladnimada xaqqa ugu lahaa.
4. Xukumadda Madaxweynaha hadda talada haya SIILAANYO.
Aragtidayda waa xukumadii ugu wax qabadka badnayd dhamaan xukumadahi Soomaaliland soo maray waxana an ka marakacaya in ay ku dhiiratay horumar la taaban karo oo ay ugu horeeyan inay ku dhiiratay dhismaha wadada ceerigaabo iyo burco isku xidha oo ay ku dhici wayeen xukumadihi tan ka horeyay iyo weliba dawladdii la isku odhan jiray soomaaliya, iyo inay dibu-dhis ku sameeyeen waddada isku xidha laascanood ilaa Wajaale inay shilling ka somaliland deegaanka wada gadhsiyeen, in ay kor u qadeen dakhliga wadanka soo gala intasiba waa wax qabadki xukumadda madaxweyne SIILAANYO hadana weli bulshada ku dhaqan gudaha Soomaaliland waxay ka cabanayaan xukumadda u arrimisa, cabashadaa waxa ay u aneeynayaan wax qabad yari si la mid ah xukumadihii tan ka horeeyay.
Hadaba waa iga su,aale ma shacabka ayaan garanayn abaalka iyo horumarka xukumadihi kala danbeeyay mise waxanay dooraan hogaamiyihi ku habboonaa?. se laanta ma soo mari doonan madaxweynayaal ka dardar badan siilaanyo,cigaal,iyo daahir riyaale ?
Jawaabta su,aashas idinka aya la idinka sugayaa
wabbillahi tawfiiq.
DHAMAAD
xuquuqda qoraalka © maxamed cali cadaani 2017
Comments
Post a Comment