maxaa sababay in Somaliya ka Danbeyso wadamada assaageed ah ee Qaaradda Africa?
soomaaliya waxa ay la filtahay waddamo badan oo maanta Dunida calanka u sida
oo qaarkood ka danbeeyeen xilligi ay somaliya xornimada qaadatay waa 1960 kiiye
haddana haadda waxa aynu dunida kaga jirnaa kaalmaha u danbeeya hadii ay noqoto
amni, caafimad, horumar, waxbarasho, iyo xuquuqul insaanba. dhamaantood somaliya waa tan ugu liidata adduunyada iyo waddamo badan oo ay isku fil yihiin oo Africa ka mid ah, inkastoo Africa ay tahay qaarradda ugu horumarka liidata tan ugu amniga xun hadana somaliya waxaas oo dhan waa tan ugu sii liidata.
muddo ka badan 27 Sano ayay soomaaliya tahli weyday inay nidaamka dawladnimo dhidibbada u taagto, dalkooda iyo dadkoodanna ka saaran colaadaha gaamuray ee kasoo idlaan la,a.
inkabadan 8 milyan oo somali ah ayaa qaxoonti ku ah daafaha aduunka, waxana usii dheer in qaarkood wadamadas ay qaxoontiga ku yihiin lagu laayo ama xoolahooda lagu dhaco. Soomaaliya inkastoo Hadda ay cagaha lasoo gashay waxooga kaladanbeyn ah iyo waxooga amni ah haddana maalinkastoo ay muqdisho iyo gobolada dhexe waxooga xasilooni ah dareemaan waxa dab ku sii shidaya wadamada neceb horumarka iyo nabada soomaaliya oo ka cabsi qaba in somaliya noqoto somaliyadii 1970 ilaa 1980 kii
waxa qaraxyada ka danbeeya waxa dilka iyo boobka geysanayaa waa wax ay ka danbeeyan wadamada deriska la ah Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan KENYA iyo Itoobiya oo ah cadawga koobad ee soomaalida .
Ciidamada soomaaliya gudahooda u yimi inay amnigga ilaaliyaan Amisom uma iman inay ilaaliyan amniga umada soomaaliyeed balse waxa ay u yimaadeen inay dhinacooda ka qayb-qaatan boobka iyo gurashada khayraadka SOOMAALIYA qaar ka mid ahina waxabay u yimaadeen dano danahan ka waweyn.
Dawladaha reer galbeedka oo maraykanku hor kacayo yaga laftoodu qasitaanka somaliya lug buuxda ayay ku leeyihiin, waxana an meesha ka maqnayn in shaqsiyaad asalkoodu soomali yahay ay hor kacayaan qalalaasaha soomaliya
waxa an anigga iyo wax-garadka kaleba qabna hadii dawladaha shisheeye ay faraha kala baxaan soomaliya in min Alshabaab, xukumad iyo shiciba soomaaliya iskeed isku taagayso. Hadaba akhriste waxa kugu haboon hadii aad somali tahay inad su,aalahan is weydisid
1. Soomaaliya sidee uga bixi karaysaa faragashiga ay dawladaha kale somaliya ku hayaan?
2. Shacabka somaliyeed goorma ayay garwaaqsan doonan in dhexdooda la isku diray oo shisheeye isku diray?
WABILLAHI TAWFIIQ. DHAMAAD ©2017
XUQUUQDA QORAALKA © MAXAMED CALI CADDAANI
Comments
Post a Comment